Daawo Sawirada " Xarakada Al-Shabaab oo magaalada Kismaayo ku soo bandhigay Meydadka Askar Kenyan ah"

Saturday, September 1, 20120 comments

Kadib dagaalo culus oo shalay ilaa xalay ka dhacay gudaha iyo duleedka degmada Afmadow ayaa Xarakada Al-Shabaab ay guulo kaga sheegteen, iyadoo magaalada Kismaayo ku soo bandhigay meydadka askar Kenyan ah.

Fagaare ku yaal magaalada Kismaayo oo ay soo buuxiyeen dadweyne fara badan ayaa lagu soo bandhigay ilaa afar askari oo labo ka mid ah ay ahaayeen Ciidamada Kenya oo dareyskooda Milateriga lagu yaqiin wata.

Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa sheegay inay jiraan meydad kale oo Kenyan ah, gawaari bad qaba oo ay gacanta ku dhigeen, kuwaasoo ay sheegeen inay saxaafada u soo bandhigayaan.

Dagaaladii shalay oo ahaa kuwii ugu kululaa ee ka dhaca Jubooyinka tan iyo markii Ciidamada Kenya ay soo galeen deegaanadaas ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 20-ruux.

Al-Shabaab oo xalay gudaha u galay degmada Afmadow, markii dagaal lama filaan ku qaadeen ayay markii dambe isaga soo baxeen, inkastoo Saraakiisha dowladda ay beeniyeen.

Meydadkan ayaa noqonaya kuwii u horeeyay oo ay Al-Shabaab soo bandhigaan, tan iyo markii Ciidamada Kenya ay dagaalo kula galeen deegaanada Jubooyinka iyo Gedo.






Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog