Nin Soomaali ah oo Kurdi isku dhiibay ka dib markii Rag u dhashay Iraaq, Syria & Iiraan ay Kurdi isku dhiibeen (Daawo Barnaamish Qosol badan)

Saturday, September 1, 20120 comments

Bulsho weeynta Soomaaliyeed waxaa ku dhex jira dad aad fudud oo mararka qaar dhibaatada gacantooda ku raadsada.Rag u dhashay dalalka Ciraaq,Syria, Turkiga iyo Iraan ayaa soo gaaray xarun Ciidamada Booliiska ku lahaayeen dalka Norway waxaana ragaan ku jiray Nin Soomaali ah.

Afartaan nin oo qaab Qaxooti ahaan isku dhiibtay waxaa la weeydiiyay ugu horeeyntii halka ay ka yimaadeen ama ka soo qaxeen.Ninkii Ciraaqiga ahaa waxa uu sheegtay Kurdida Ciraaq, kii Syria ayaa isna sheegtay Kurdida Syria, waxaa soo booday oo isna sheegtay KurdidaTurkiga ninkii Turkiga ahaa halka ugu dambeeyntii Ninkii Iiiraanka ahaa uu ka yiri waxaan ahay Kurdida Iiiraan.

Su´aasha oo soo gaartay Ninkii Soomaaliga ahaa markii la weey diiyay yaad u dhalatay xageesa ka timid waxa uu ku jawaabay in uu yahay Kurdi-Soomaali.Muuqaalka qisadaan waxeey kuu cadeeneeysaa dalal badan oo Caalamka ku yaal in umadaha ku nool ay kala heeystaan dhoor qoomiyadood oo is diidan balse Soomaalida waa dad isku Diin iyo af ah .

Hoos ka Daawo Barnaamish aad u qosol badan
 
 
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog