Wararka ka imaanaya magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal uu ku dhex maray Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, iyadoo warar kala duwan ka soo baxayaan qasaaraha dagaalka uu geystay.
Dagaalka ayaa ka dambeeyay markii dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay gudaha u galeen Garbahaarey xalay saqdii dhexe, halkaasoo dagaal muddo socday uu dhex maray labada dhinac.
Inta la og yahay labo ruux oo rayid ah ayaa la xaqiijiyay inay dagaalka ku dhinteen, inkastoo aan la sheegi karin qasaaraha kale ee soo gaaray Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.
Sidoo kale dad ku dhaawacmay dagaalka ayaa la sheegay inay ahaayeen dad guri ku jiray oo Bam gacmeed loogu riday, laakinse waxaanan wali xog dhab ah laga heyn qasaaraha soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid culus oo ay ku wareereen sida uu u socday, waxaase marki dambe ay xaalada caadi ku soo laabatay marki ay Shabaabka isaga baxeen halkaasi.
Saraakiisha dowladda ee halkaasi ku sugan ayaa sheegay in ay iyaga ka saareen Al-Shabaab kadib dagaal culus, halka Al-Shabaab ay sheegayaan in ay iskood isaga soo baxeen marki ay qabsadeen kadib Garbahaareey.
Saaka ayaa waxaa ka jira halkaasi xaalad kacsanaan ah, iyadoo ciidamada dowladda ay baarayaan goobaha ay dadku isugu yimaadaan.

Shabakada gubtanews
Muqdisho - Somalia
gubtanews@hotmail.com
www.gubtanews.com