Dagaalo aad u u culus ayaa lagu soo waramayaa in caawa ay ka qarxeen degaano ku yaala hareeraha magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose oo mudooyinkanba xiisado colaadeed iyo dagaalaba ay ka jireen, waxaana dagaaladaas ay dhexmarayaan ciidamada Kenya iyo kuwa Dowlada KMG ah oo dhinac ah iyo xoogaga Al-Shabaab.
Wararku waxay sheegayaan in dagaalka caawa uu bilowday ka gadaal markii ciiidamada huwanta ay weerar qorsheysan ku soo qaadeen goobaha ay difaaca kaga jireen xoogaga Al-shabaab eek u yaala hareeraha magaalada Kismaayo.
Dagaalka ayey wararku sheegayaan in labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala gedisan, waxaana ka qeyb qaadanaya dayuurado dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Kenya kuwaasoo madaafiic ku garaacaaya goobaha ay ka dagaalamayaan xoogaga Al-Shabaab.
Afhayeenka ciidamada dowlada Somalia ee gobolada Jubooyinka Maxamed Faarax Daahir ayaa sheegaya in iyaga iyo ciidamada Kenya ay weerar saf balaaran oo ah ka qaadeen xili isku mid ah, saddex jiho oo ku wajahan magaalada Kismaayo kuwaasoo uu sheegay iney kala yihiin degaanada Badhaadhe, Buulo Xaaji iyo Birta dheer, isagoo xusay in weerarka caawa ay soo qaadeen uu yahay kii ugu dambeeyey ee ay ku jiiri lahaayeen difaaca xoogaga Al-shabaab si ay isla beriba u gaaraan magaalada Kismaayo.

Ma jiro war ka soo baxay dhinaca Al-shabaab, iyadoo wararka ka imanaya magaalada kismaayo ay sheegayaan in magaalada ay ka jirto cabsi xoogan lana maqlayo daryanka hubka culus ee la isku weydaarsanayo degaanada ka baxsan magaaladaas, waxaana dagaalkani uu ku soo aadayaa xili ciidamada Kenya iyo Al-shabaab uu mid kasta dhinaciisa ku xoojiyey gurmad iskugu jira boqolaal askari iyo qalab milateri.
Shabakada gubtanews
Muqdisho - Somalia
gubtanews@hotmail.com
www.gubtanews.com