Maamulka degmada Afgooye ayaa xalay Bandow ku soo rogay degmada, kadib markii habeen hore uu ka dhacay degmadaas Iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo Dabley Hubeysan oo la rumeysan yahay inay ka tirsanayaeen Shabaab.
Gudoomiyaha degmada Afgooye Cabdulaahi Cabdi Axmed Ibbey ayaa sheegay in bandowga ujeedadiisa aheyd in lagu xaqiijiyo ammaanka, isagoo tibaaxay inay ku soo qab qabteen ilaa sodomeeyo ruux.
Howl gal ay shalay si wada jir u sameeyeen Ciidamada dowladda iyo AMISOM ayaa jawaab u ahaa weerar habeen hore lagu qaaday Saldhiga Booliska degmada Afgooye.
Bandowga oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin ayaa bilowday abaarihii 6-da maqribnimo, iyadoo uu ku ekaa 5-tii subaxnimo, waxaana jiray saameyn uu ku yeeshay dhaq dhaqaaqii dadka iyo ganacsiga.
Degmada Afgooye ayaa Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay la wareegeen dhamaadkii bishii May ee sanadkan, iyadoo ay ka dhacayeen qaraxyo iyo weeraro lagu qaaday fariisimaha Ciidamada dowladda iyo AMISOM.

shabakada gubtanews
Muqdisho - Somalia
gubtanews@hotmail.com
www.gubtanews.com