Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu daah furayay Jaamacada Jamhruuiya ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Furitaanka Jaamacada ayaa waxaa ka soo qeyb galay, Aqoonyahano, Macalimiin, Arday iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Ugu horeyn waxaa jaamacada Jamhuuriya waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacada Maxamuud Axmed Jimcaale, isagoo sheegay in howsha jaamacada ay bilaabeen bishii June, ee sanadkii hore, waxaana uu faah faahin ka bixiyay mudada halka sano ka badan oo ay wadeen qiimeyn ku aadan waxyaabaha aas aasiga u ah jaamacada, si ay Ardayda wax ka barata ay ugu soo bandhigi lahaayeen
Jaamacada Jamhuuriya University ayaa waxaa aas aasay 25-jaamici, oo ka kala yimid dalalka caalamka, sida USA, Jordan, Pakistan, Yemen, Malaysia iyo dalal kale.
Waxaa kaloo ka hadlay jaamacada Macalimiin iyo aqoonyahano, waxaana ay soo dhoweeyeen Jaamacadan cusub, isla markaana ay tahay mid ka duwan jaamacadaha kale ee ku yaala dalka.
Ardayda ka soo qeyb gashay furitaanka Jaamacada ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin balan-qaadyada ay sameysay jaamacada Jamhuuriya.
Dhinaca kale intii ay socotay Munaasabada furitaanka Jaamacada ayaa waxaa lagu soo bandhigay qalab waxbarasho, kuwaasoo tayo wanaagsan leh.
Ugu dambeyn furitaanka Jaamacadan cusub ee University of Science & Technology JUST ayaa waxaa ay ku soo beegmeysa xili ay sii badanayaan jaamacadaha ku yaala Soomaaliya.