Shariif Xasan Sh. Aadan oo maalin kadib doorashadii Guddoonka Baarlamaanka isaga iyo xubno ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Kenya ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa magaalada Nairobi uu kulamo gooni gooni ah kula qaatay xubno ka tirsan Dowladda Kenya iyo beesha caalamka.
lama oga waxyaabaha looga hadlay kulamadaasi hase ahaatee dad ku dhow dhow Shariif Xasan oo ku sugan Nairobi ayaa sheegay in kulamada uu la qaatay siyaasiyiinta Dowladda Kenya uu kala hadlay ujeedada ay damacsan yihiin ee ah in ay taageero u raadiyaan Cabdiweli Gaas si marka uu kursiga Madaxweynenimada ugu fariisto ugu saxiixo dhulka lagu muransan yahay ee Soomaaliya iyo in ay shidaal ka baaran karaan.
Shariifka Xasan ayaa lagu soo waramayaa in gorgortan uu kula galay Dowladda Kenya 60 Xildhibaan ee beesha Digil iyo Mirifle, mana jirto heshiis ay si rasmi ah ugu gaareen qodobka ah in codka uu ku leeyahay Baarlamaanka ku wareejiyo Cabdiweli Gaas.
Safarka Shariif Xasan waxaa ku wehliya Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo ay ka mid yihiin Mustaf Dhuxulow, Ibraahim Yarow, Burci iyo xubno kale. Waxaana caawa ay u soo duuli doonaan magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia halkaasi oo 2-da bisha ay kaga qeyb geli doonaan aaska Ra’iisul Wasaare Meles Zenawi, waxaana sidoo kale kaga faa’iideysan doonaan qorshaha siyaasadeed ee socda.
Guuldarada Shariif Xasan ee ku timid hamigii uu ka lahaa Madaxweynenimada Somalia, waxaa siyaasiyiin badan oo ku dhow ay u eersanayaan Beelaha Daarood iyo Hawiye oo dhabarka ka toogtay Shariif Xasan, taasoo uu ogsoon yahay hadana wuxuu fiirinayaa dano kale oo siyaasadeed.
Dowladda Kenya waxaa laga dhaadhiciyay in Gobolada Jubbooyinka beesha Daarood ay leeyihiin, taasna ayaana dhalisay in Dowladda Kenya ay dadaal iyo juhdi u geliso in Cabdiweli Gaas noqdo Madaxweyne si loogu saxiixo dhulka lagu muransan yahay.
Dhinaca kale wuxuu Shariif Xasan uu kulamo la qaatay International Community oo fariintoodu tahay in la dhammeystiro doorashada madaxda sare, waxaase ay ku muransan yiniin yaa noqonaya Madaxweyne, taasoo keentay in dal walbo uu taageero u raadiyo shaqsiyaadka ay u arkaan in xalka Somalia wanaajin kara.
Ugandha, Burundi, Jabuuti iyo Maraykan waxay taageerayaan una arkaan Sheekh Shariifka in uu sii wadi karo wadada cusub ee Soomaaliya u furantay iyo qorshaha Mareykanka uu horboodayo ee la dagaalanka loogu jiro Argagixisada, sababaha ay ugu doorteenna ay tahay maadaama uu yahay shaqsi aqoon u leh siyaasadda ka socoto Somalia iyo in uu yahay qof ka soo jeeda Gobolada Koonfureed ee la rabo in la haajiyo.
Kenya waxay dooneysaa in Cabdiweli Gaas miiska soo saarto iyadoo fiirineysa qorshaha siyaasadeed iyo dhaqaalaha ay ka dooneyso dhul biyoodka Soomaaliya. Dowladda Ethiopia weli ma cada mowqifkeeda ku aadan siyaasiga ay la damacsan tahay kursiga dalka.
