Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida Oo Laga Hirgeliyey Beledweyne

Sunday, September 9, 20120 comments

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimaay ayaa maanta lagu qabtay magaalada Beledweyne ee xarunt gobolka Hiiraan.

Munaasabadan oo lagu furayey Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida ee gobolkaasi Hiiraan ayaa waxaa ka qeybgalay maamulka degmada Beledweyne,kan gobolka Hiiraan,saraakiisha Ciidammada, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee Beledweyne ku dhaqan.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax oo ka hadlay furitaanka Munaasabadda ayaa tilmaamay in gobolka Hiiraan dadka ku dhaqan ay baahi weyn u qabeen hirgelinta Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida hadana talaabadan ay fursad u tahay reer Hiiraan.

C/raxmaan Maxamed Cali oo isagu ah Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida ee gobolka Hiiraan oo khudbad ka jeediyey Munaasabadan lagu furayey Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida ee gobolka Hiiraan ayaa tilmaamay in wixii maanta ka dambeeya ay si rasmi ah u gudan doonaan waajibaadkooda.

Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida ayaa iyadu ka howlgasha gobollada Banaadir,Shabeelada Hoose, Shabeelada Dhexe,Baay iyo Gedo ayadoo maantana si rasmi ah looga hirgeliyey gobolka Hiiraan.





Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog