Qaraxyo Xoogan oo Caawa iyo Galabta ka dhacay Qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho iyo qasaaraha ka dhashay Qaraxyadaasi

Friday, September 7, 20120 comments

Waxaa galabta iyo Caawa Qaraxyo xoogan oo sababay dhimasho iyo dhaawac ka dhaceen Xaafado katirsan Degmooyinka Dayniile iyo Hiliwaa oo kawada tirsan Gobolka Banaadir.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay Isgooska Ex-Control Balacd ee Degmada Hiliwaa waxaana lala eegtay Gawaari Dagaal ay wateen ay wateen Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo la sheegay in ay kusii jeedeen Degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhaxe.


Lama oga Qasaaraha ka dhashay Qaraxaaasi inkastoo dad goob joogayaal ah sheegeen in Qaraxayadaasi ay ku dhinteen dhoor qof tiro kalana ay ku dhawacameen kuwaa oo iskugu jira shacab iyo Ciidan.


Qarax kale ayaa isna Caawa Maqribkii ka dhacay Xaafada Ciisa Cabdi ee Degmada Dayniile waxaan qaraxaasi lala eegtay Ciidamo karitsan Dowalada Soomaaliya oo ku sugnaa goob aan ka fogeyn halka uu qaraxu ka dhacay.


Ciidamo katirsan Dowlada ayaana ku dhintay Qaraxyadaasi sida goob joogayaal sheegeen waxaa sidoo kale Qaraxaasi iyo rasaas ay fureen Ciidamada Dowlada waxyeelo kasoo gaartay dad rayid ah oo ka agdhawaa halkii uu qaraxu ka dhacay.


Qaraxyada Miino ayaa labadii maalin ee ugu dambeysay Magaalada Muqdisho kusoo badanayay kuwaa oo sababay qasaarooyin dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaaray dad rayid ah .




Shabakada gubtanews
Muqdisho - Somalia
gubtanews@hotmail.com
www.gubtanews.com
 
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog