Soomaalida Indonesia oo soo dhoweysay isbeddelka siyaasadeed ee dalka

Saturday, September 1, 20120 comments

Arday Soomaali ah oo wax ka barta dalka Indonesia ayaa maanta soo dhoweeyay isbeddellada siyaasadeed ee ka socda Soomaaliya iyo dhismaha baarlamaanka cusub oo dhowaan doortay guddoomiye iyo ku-xigeenno.

Mohamed oo ka mid ah ardayda wax ka barta jaamacadaha dalka Indonesia ayaa gubtanews u sheegay inay arrin lagu farxo tahay in 10-ka bishan September ay Muqdisho martigelinayso doorashada madaxweynaha dalka.

Mohamed ayaa sheegay in horumarka dalka uu ku xiran yahay tayada baarlamaanka iyo sida uu isugu xilqaamo gudashada waajibaadka qaran ee hor yaalla. “Isbeddellada Muqdisho ka socda waxay Soomaalida qaxootiga ku ah dalalka kale ku dhiirrigelinayaan inay dalka dib ugu noqdaan qaasatan qaxootiga ku sugan dalka Indonesa” ayuu yiri Mohamed.

Ardayda Waxka barata dalka Indonesia ayaa rajo wanaagsan ka qabaan Soomaaliya inay gasho marxalad horseedi karta inay wax la qeybsato dunida inteeda kale.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog