Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi Raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii ay Reer Puntland u heli lahaayeen Raizul Wasaaraha Cusub ee Xukuumada Soomaaliya .
Faroole waxa uu doonayaa in Raizul Wasaare laga dhigo nin Beeshiisa ah si uu uga shaqeeyo Danta Beeshiisa iyo mida Puntland kana hor mariyo mida Soomaaliweyn waa sida uu Jecelyahay Madaxweyne Faroole.

Kaartooniistaha caanka ah ee Amin Arts ayaa soo sawir sawir gacmeed uu kaga hadlayo sida uu Faroole uga wal walsan yahay ugana fikirayo maskaxdiisana uga taagantahay Raizul Waasaaraha Cusub ee Soomaaliuya oo la filayo in dhawaan uu soo magacaabo Madaxweyne Xasan Sheekh.
Lama oga sida Faroole ugu qanci doono hadii lasoo Magacaabo Raizul Wasaare Cusub aan ka shaqeyn danta Puntland sidoo kale beel ahaan aan kasoo jeedin Deegaanada uu Madaxweynaha ka yahay Faroole ee Puntland.
Cabdi Raxmaan Faroole ayaa lagu xamanayaa in uu gadaal ka riixayo uuna wato in Raizul Wasaare laga dhigo Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas Raizul Wasaariahii hore ee Soomaaliya si uu ugu difaacdo Deegaanada Puntland.