Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku hanjabay in la xiri doono Suuqa Cabdalle Shideeyaha ee inta badan lagu sameeyo Dukumiintiyada Been abuurka ah ,Paasaboorada iyo waxyaabo kale oo sharci daro ah.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ee dowlada Somalia Maxamuud Axmed Nuur tarsan ayaa Shaaca ka qaaday in Dowlada Hoose ee Gobolka Banaadir xireyso Suuqa Cabdile shideeyaha ee lagu sameeyo waxyaabaha Been abuurka ah.
Suuqa Cabdulle Shideeyaha ayaa ah mid lagu sameeyo laguna iibiyo waxyaabo been abuur ah Sida Baasabooro ,iyo Dukumiintiyo kale oo loo ekeesiiyo in ay yihiin wax sax ah ,mararka qaar ayaana lagu sameeyaa Viisooyin aan sharci aheyn.
Tarsan ayaa sheegay in suuqaasi oo markii horeba ahaa sharci daro, maadaama lagu sameyn jiray qoraalo iyo dokumentiyo la been abuuray, wuxuuna xusay in maadaama dalka ay ka dhalatay dowlad cusub oo rasmi ah aysanin inuu sii jiro Suuqaasi.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan waxaa uu sheegay in dadka ka shaqeysta suuqa C/shideeye looga baahan yahay inay ku soo biiraan dowladda hoose oo ay la shaqeystaan isla markaana ay joojiyaan waxyaabaha faalsada ah ee ay sameynayaan.
Lama oga sida uu hadalkaan kasoo baxay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Nuur Tarsan saameyn ugu yeelan karo Suuqa Cabdille Shideeye oo ah suuq Madoow oo mudo soo jiray inta badana lagu kala iibsado waxyaabaha been abuurka ah.