Sideed timahaaga u ilaalisaa

Monday, September 17, 20120 comments


Gabdho badan waxay ka cabsadaan in timahooda quruxdoodu ay tagto ama nafaqo beelaan, waxayna tamaniyaan in ay helaan habka ay ku soo celin lahaayeen quruxdii timahooda. Laakiin gabadh walbaa waa in ay ogaataa waxa timaha quruxda ka kaxeeya kana khariba timaha, hadii ay arimahaas iska ilaalisana waxaa usoo noqonaysa quruxdii timahaheeda. creatine
Arimaha timaha xumeeya :

Kala badbadalka habka timaha loo shanleeyo.
Mar walba oo la midabeeyo timaha.
Jawiga  (hawada)  is badbadalkiida.
Sida khaldan ee loola dhaqmo timaha.
Isticmaalka qalabka qalajiya timaha wax badan.
Biyo kulul oo lagu dhaqo timaha.

Arimahaasi waxay u sababtaa timaha duciifnimo, waxayna yaraysaa quruxdii iyo adkeyntii timaha. Hadaad tahay gabdhaha moodada la socda marwalba, badalana timaha moodeelkooda iyo midabkooda, waxaa fiican inaad ka fakarto dhawr jeer intaadan samayn, adoo ka eegaya dhinacyo kala duwan, sida inuu dhib , daciifnimo iyo daadasho ukeeni karo timahaaga. Labo kala dooro:

Inaad mar walba timahaaga badbadashid moodeelkooda iyo midabkoodaba oo sidaa aad ku khasaartid timahaaga, iyo inaad timahaaga nafaqaysid oo aad u hagaajisatid sida dabiiciga ah ee ayna ku jirin kiimiko dhib ukeeni karta timaha.

Hadaad dooratay mida labaad waxaad qaadan kartaa nasteexoyinkan:

Waa inaad timaha si fiican u nafaqaysaa, oo aad cuntaa cuntada protinka ka kooban maadada la yiraahdo kryatin  (Creatine), saas darteed waxaa fiican inaad cunto hilib aan lahayn subag iyo kaluun, ukun , fuul, waxa laga sameeyay caanaha ee uu subagu ku yar yahay, lawska, iyo faakahada ( furuut), sidaas ayeey iinsha Allaah dabeeciga quruxda timahaagu ku ilaalismeysaa, caafimaadna ku siineysaa
Nadaafada timaha ilaali. Waxaad dhaqi kartaa timaha 3jeer wiigii, shaambooga mar kaliya isticmaal wiigii, 2da jeer ee kalana biyo kaliya ha ahaadaan, sababta oo ah isticmaalka badan ee shaambooga iyo biyaha kulul uma fiicna timaha.

Waxaad timaha ku dhaqaysid ha ahaado nooc markiiba biyaha raacaya, waayo noocayada qaar shaambooga kamid ahi, waxay qaadataa waqti dheer in ay ka dhaqmaan, waxayna keentaa marmarka qaarkood in wax ku haraan, adiga oo moodaya inaad ka dhaqday, taasina waxay ukeenaysaa timaha qalayl badan iyo adayg.

Markaad isticmaashid shaambooga kaga dhaq timaha biyo yara qaboow, oo aad ku dartay qaado ama malqacad ah khalka tufaaxa, sababta oo ah isticmaalka badan ee shaambooga, waxay ukeentaa timaha dhibaato, markaad isticmaashid biyaha qaboow iyo khalka tufaaxuna, waxay ka bi'in timaha shaambooga kugu hadhay, waxayna ilaalin caafimaadka timaha.

Kahor intaadan isticmaalin qalajisada-timaha, waa inaad timaha kala bixisaa si tartiib ah, waana inaad timaha ka yara fogeysaa mashiinka-timaha, intaadan isticmaalin mashiinka-timahana, timaha mari kareem, sababta oo ah kareemku wuxuu timaha ka ilaalinayaa kuleyka badan.

Hamarsan saliida timaha markaad seexanaysid habeenkii, sababta oo ah waxay daalisaa saliidu timaha guntooda , ee marso maalinimadii.






Arrimaha bulashada Kala soco 
newbanaadir.blogspot.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog