Ciidamada Dowlada KMG ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa goordhaw waxa ay si buuxda ula wareegeen Degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/Dhaxe kadib duulaan Qorsheesan ay saakay ku qaadeen.
Ciidamadan oo ahaa kuwa tiro badnaa kuna hubeesnaa Gawaari Dagaal oo aad u tiro badan ayaa ka dhaqaaqay Deegaanka Ceel Macaan ee Duleedka Magaalada Muqdisho ay maalmo kahor la wareegeen.
Wararka aan ka heleyno Warsheekh ayaa sheegaya in dagaal aan sidaa u xooganeen uu labada dhinac dhax maray kadibna Al-Shabaaab ka baxeen Degmada Warsheekh una dhaqaaqeen Dhinaca Degmada Cadale oo iyana katirsan Sh/Dhaxe.
Ciidamada Dowlada iyo kuwa MAISOM ayaa hada isku fidinaya Degmada Warasheekh waxa yna goobaha qaar ka sameenayaan baaritaano deg deg ah ,xaalada ayaa ah mid aan wali cago adag ku taagneen , dadka ayaana dareenkooda maanta aad uga badalanyhay sidii hore.

Shabakada gubtanews
Muqdisho - Somalia
gubtanews@hotmail.com
www.gubtanews.com