Seddex Waxyaabood oo gabdhaha muqdisho sameeyaan maxaysa kala yihiin wax ka ogow

Wednesday, October 31, 20120 comments

Magaalada muqdisho ee xarunta Somaliya waa mid ka mid ah meelaha ay ku dhaqan yihiin gabdhaha ugu badan ee waxbarashada iyo hormarka dhaqanka somalida sida weyn gacanta ugu heysto.

Seddex waaxyaabood ayaa gabdhaha muqdisho ay ubadan yihiin marka laga reebo howshooda gaarka ah waxaana ay kala yihiin:


Isticmaalka Aalada internet-ka ah ee Nimbizz oo mobilada ay ka isticmaalaan ayaa waxa la ogaaday in 80% gabdhaha xilliga qaan gaarka ku jira ay isticmaalaan aalada Nimbuzz-ka oo mobiladooda si fudud uga dhex isticmaalaan.


Shantii gabdhood ee meel wada fadhiya waxay isticmaalaan Aalada Nimbuzz-ka taasi oo xitaa la sheegay inay habacsanaan ku keentay waxbarashada gabdhaha qaarkood waxaana taasi ay kordhisay garaadka haasaawe gabadhaha muqdisho ku dhaqan.


Inkastoo aalada FACEBOOK iyana muqdisho gabdhaha aad u’adeegsadaan hadana waxaa kaga badan kuwa isticmaala Nimbuzz-ka waxaana arkeysaa is qab qabsi lacagta kaarka ah oo waalidka iyo carruurta isku heystaan xilliyada qaarkood.



Ku hadalka Taleefoonada Waqtiga Dambe



Qodobka labaad ee gabdhaha muqdisho ubadan yihiin ayaa waxay tahay ku hadalka Taleefoonka gacanta ama leenka guryaha la dhigto wixii ka dambeeya 9:00 fiidnimo iyadoo gabdhuhuna ku dadaalaan in shaqada waqti hore iska qabtaan.


Tusaale waxaa iga filan gabdho ila dhashay iyo kuwa aan darisnahay oo aan arkay iyagoo ku waqti qorsheystay inay taleefoonka ku hadlaan una wareejistaan qolkooda si haasaawe ula galaan dhalinyaro filkooda ah oo gayaan ay ka raadsanayaan.

Mobilada gacanta ayaa arkeysaa muqdisho habeenkii marka lagaaaro gabdho ubadan kuwa ku jira xilliga da’da 17-25 sano jirada oo guryahooda hortiisa taleefoon la fadhiya qofna la hadlaya.
Fiirsashada Filimo lagu magacaabo Musal-salaadka aan dhamaan



Inkastoo aan waligay daawan aflaantan ay gabdhuhu xiiseyaan hadana waxaan kala socdaa kaliya inan arko ama maqlay gabdho ka sheekeysanaya filmka meesha uu marayey iyo qisada siday ahayd.

--> Filimaanta aan dhamaan (Musal-salaadka) magacooda igu batay waxaa ka mid ah Rafiif,Caasi iyo ber-bera waxaana gabdhuhu markii la gaaro saacada 9:00 fiidnimo xilligaas udareeraan shaashada la iska arko oo Tv af Somali ah soo tabiyo.


Ka sheekeyntooda iyo falan qeynta sheekooyinka ay ka daawadaan Shaashadaha la iska arko waxaa dheer in sidoo kale ay dhageystaan raadiyeyaasha muqdisho qaarkood oo iyaguna baahiya sheekooyin lagu dariiq dhigay wadciga jaceyl ee jira













--> 

Xafiiska Newbanaadir 
Muqdisho - Somalia 
Nagala Soo xariir emailka 
newbanaadir@hotmail.com 
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog