Waxaa dad badan oo usoo shaaxeysi tagay Maqaayad ku taala Magaalada Tokiyo ee Dalka Japan layaab ku noqotay, ka dib markii ay arkeen Daanyeero ka shaqeynaya maqaayada oo iyagu fulinaya adeega maqaaxidaasi iyo Dalabaadka Macaamiisha qaadaya..
-->
Maqaayada lagu magacaabo “Kayabukiya Tavern” waxa ay ku taalaa Waqooyiga Magaalada Tokyo ee Caasimada Dalka Japan ,waxa ayna caan ku tahay Maqaayadaasi in ay ka hool galaan Labo Daanyeer oo Xarfaan ah kuwaa oo Macaamiisha Caawinaya waxa ay u baahanyihiina Siinaya.
Labadaasi Daanyeer ee Maqaayada ka adeega ayaa loo soo labisay Dhar aad u bilcsan oo soo jiidanaya Dadweynaha ,waxaana la sheegay in Daanyeeradaan yihiin Nuuca loo yaqaano “Macaque” ee caanka ka aha wadanka Japan.
Daanyeeradaan ayaa loogu kala yeeraa Yat-chan iyo Fuku-chan” Milkiilaha Maqayadaasina ayaana Daanyeeradan u carbiyay Sidii ay uga adeegi lahaayeen Macaamiisha Maqaayadaasi, waxaan ay sameeyaan inta aysan galin shaqada in ay gacmahooda soo nadiifiyaan waxaana ay ruqsada ay ku shaqeyn karaan laga siiyay Maamula magaaldaa taasina waa mida suura galisay in ay aqbalaan macaamiisha u adeegidooda,
Waxaana Durba bilowday in ay dad fara badani soo aadaan maqaaxidaasi si ay u eegaan qaabka ay ugudanayaan hooshooda labadaasi daanyeer , Maqaayada ayaana noqotay mid macaamiil badan ku kasbatay labadaasi daanyeer ee xarfaanta ah.
Canab Xasan
Xafiiska Newbanaadir
New York - America
canabxasan09@hotmail.com
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com