Daawo Sawirada "Caruurta Soomaalida ee ku Dhaqan Dalka Mareykanka oo la baro farta & dhaqanka Soomaaliyeed"

Friday, November 2, 20120 comments

Caruurta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka gaar ahaan magaalada Minneapolis ayaa helay waxbarasho dhaqanka iyo qorista farta Soomaaliya, maadaama ay yihiin kuwo ku dhashay kuna barbaaray dalka Marreykanka ayna adag tahay iney helaan macallimiin Soomaaliyeed oo barta farta iyo dhaqanka.


Waxaana hada nasiib wanaag ay heleen Macallimiin Soomaaliyeed oo aqoon u leh dhaqanka iyo Macallinnimada, iyadoo ay ka faa’iideysanayaan arday fara badan.



--> Caruurtan oo fasal Afka Soomaaliga iyo dhaqanka lagu barto ka helay hal Fasal Dugsiga sare ee south high oo ku yaal magaalada Minneapolis waxaa hada ka faa’iideysto in ka badan 60 Arday maadaama uu bilow yahay, waxaana la filayaa in ardayda intaas kasii badato.


Daahir Salaad Xasan oo ah Baraha fasalka Af-Soomaaliga iyo dhaqanka ee Soutj High ayaa sheegay in casharada uu bixiyo ay isugu jiraan Soomaaliga iyo Dhaqanka.



Waa iskuulkii ugu horeeyay ee noocaan oo kale ah oo laga hirgeliyo dalka Mareykanka, kaasoo dabooli doona baahida loo qabo in caruurta Soomaaliyeed ay bartaan afkooda hooyo iyo dhaqanka dalkooda.

















--> 

Xafiiska Newbanaadir 
Muqdisho - Somalia 
Nagala Soo xariir emailka 
newbanaadir@hotmail.com 
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog