Astaamaha lagu garto saaxiibka wanaagsan:(Kala Baro)

Monday, November 26, 20120 comments


Saaxiibka wanaagsan iyo faa’iidada uu ku yeelan karo. Alle (SWT) waxa uu Qur’aankiisa Kariimka ku leeyahay “Ruuxii uu Sheydaan u noqdo saaxiib ayaa leh saaxiibka ugu xun”. Halkaasi waxa aad ka garan kartaa in nolosha ay qeyb weyn ku leeyihiin saaxiibadu. Haddii ay saaxibadu noqdaan kuwo wanaagsan waxay helayaan raali ahaansho Alle iyo wanaag badan.
Haddiise ay noqdaan kuwo xun oo isugu yeedha ama ku saaxiiba xumaan waxa ay hoy u noqonayaan sharka iyo halaag dhamaantii. Rasuulkeena (SCW) waxa uu inagu dhiirigeliyey in aan yeelano saaxiib wanaagsan kana dheeraano saxiibka xun. Ogow in uu rasuulkeenu (SCW) uu xadiis ku yidhi “Waxaa jira toddobo ruux oo Alle hadhkiisa gelin doono maalinta qiyaame, marka aanay jirin meel kale oo la hadhsadaa ilaa hadhka Alle mooyee, waxana toddobadaasi ka mid ah labo ruux oo Alle dartii u saaxiibay kuna kala tegey illaa maalinta Qiyaame”.
Haddaba haddii ay sidaa tahay waxaa waajib ina saaran ah in dadka aan la saaxiibeyno ay noqdaan dad wanaagsan oo leh calaamado wanaagsan, haddii kale qofyohow ogow in ruux xun oo aad la saaxiibtaa uu kuu horseedayo “hoog iyo halaag”.
Astaamaha saaxiibka wanaagsan waxa kamid ah hadii aynu qodobayno:
1- Saaxiibka wanaagsani waa midka dhaqankiisu wanaagsan yahay oo had iyo jeer kuugu yeedha wanaaga kaana reeba xumaanta.

2- Saaxibka wanaagsani waxa uu kugula taliyaa wixii dani ay kuugu jirto, waxana uu ka hortagaa wixii aan dan kuu ahayn.
3- Saaxiibka wanaagsani waa kan kula farxa haddii aad faraxsan tahay, waxana uu kaala murugoodaa wixii aad ka murugooto.
4- Saaxiibka wanaagsani had iyo jeer waa uu ku farxad geliyaa oo waxa uu kaaga sheekeeya wax fiican oo farxad leh.
5- Saaxiibka wanaagsan waxad had iyo jeer ku aragtaa meelaha kherka sida masaajidada, madrasadaha cilmiga, goobaha waxbarashada iyo dhamaan goobaha wanaaga lagu yaqaan.
6- Saaxiibka wanaagsani waxa uu xifdiyaa sirtaada, mana faafiyo wax adiga kugu saabsan.
7- Saaxibka wanaagsani waxa uu qariyaa ceebahaaga oo muujiyaa wanaagaaga.
8- Saaxiibka wanaagsani waa kan ku qabta (celiya) marka aad cadhooto ee ku dejiya.
9- Saaxiibka wanaagsani waa mid naxariis badan, jilicsan oo hadal macaan.
10- Saaxiibka wanaagsani waa ruux dulqaad leh, aan dad kalena kaaga sheekeyn xumaantooda.
11- Saaxiibka wanaagsani waxa uu had iyo goor ku xusuusiyaa geerida, Alle a cabsi iyo Qiyaame.












Xafiiska Newbanaadir 
Muqdisho - Somalia 
Nagala Soo xariir emailka 
newbanaadir@hotmail.com 
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog