![]() |
Waxaa kusoo arooray fadliga soonka maalinta caashuura Xadiiska uu
warinaya Abi Qatada Eebe raali haka noqdee in Nabiga(NNKH) la waydiiyey
Soonka maalinta caashuura oo uu yiri:” Wuxuuu dhaafayaa Dambigii
Sanadii kore”.
Waxaa jirta riwaayad kale oo oranaysa “ soonka maalinta Caashuura
waxaan xisaabsanayaa in la ii dhaafayo dambigii sanadkii hore”.
Xadiiskalana wuxuu Nabiga(NNKH) uu ku leeyahay “ qofkii Cashuura Sooma
ilaahay Sanad ayuu u dambi dhaafaa”.
Albayhaqi wuxuu yiri: (Qofkii maalintaas la kulma oo xitaa aan lagu
lahayn wax laga dhaafo, waxay u noqotaa Siyaado iyo koboc xasanaadiiska
ah). Laakiin waxaa iswaydiin mudan dadkeena xilligan jooga talow dambi’
la’aani manahay?!
Hadaba, maalintaas waxay leedahay fursadahaas kor kuxusan oo waliba
Nabigeena suubani uu noo balan qaaday, waa inaan ka faa’iidaysanaa oo
ilaahay ugu dhowaanaa.
Yuhuuda, Waan khilaafaynaa!
Markii hore Nabiga(NNKH) wuxuu jeclaan jiray inuu Ahlu kitaabka ku
waafaqo wixii aan amar kaga soo degin, laakiin markii dambe wuxuu amray
in la khilaafo, waana reebay in lawaafaqo, wuxuuna go’aansaday inuusan
maalinta 10aad ee caashuuraa keliya soomin, markaasna wuxuu noqday
arinkaas mid lagu khilaafayo Yuhuuda oo iyada maalintaa kaliya soonta.
Arinkaasna waxaa loosoo daliishanayaa Axaadiis ay ka mid tahay:
Ibnu Cabaas Eebe raali ha ka noqdee wuxuu yiri: kolkii uu soomay
Nabiga(NNKH) maalinta caashuura, uuna amray in lasoomo, waxay dadkii
yiraahdeen: waa maalin ay waynayso Yuhuuda iyo Nasaarada!
Kolkaas ayuu
Nabigu yiri “ Sanadka dambe -hadii Eebe imdo- waxaan soomaynaa maalinta
9aad”. Ibnu Cabaas wuxuu yiri: Sanadkii lamaba gaarin oo Nabiga ayaa la
hor oofsaday(NNKH). Waxaana loola jeedaa inuu go’aansaday inuu soomo
maalinta 9aad iyo maalinta 10aad.
Sidaas oo kale culumadu waxay sheegaan in Caashuuraa maalina laga
horumarin karo maalina laga damaynsiin karo oo ay xikmadu tahay inaan
Maalinta caashuura kaliya la soomin oo Yuhuuda la khilaafo.
Gabagabo
Maadaama uu cimrigu yahay mid dhamaanaya, Aakhirana ay naga sugeyso
camal suuban, aduunyadiina dambi badatay, soo ma qumana inaan ka
faa’iidaysano fursadaha yaryar ee laakiin Dambi dhaafka weyn lagu
helayo.
Nabiga(NNKH) wuxuu yiri: Midka Caqliga badani waa kan naftiisa
eedeeya ee aan is dhigan, mid Caajislowga ahna waa midka ilaahay meel
cidla ah kutala saarta oo aan wax shaqo ah la imaanin.
Naga saari mayso kaliya, Ilaahay waa Naxariis badan yahay hadaynan
la iman dambi dhaaf iyo Orod, sida aduunyaduba aysan ugu iman XAGLO
LAABAN.
Taariikhda Soonka maalinta Caashuura:
Barito oo Jimca ah waa maalinta 9aad Muxaram 1434, sabtidana waa maalinta caashuuraa 10/01/1434 oo ku beegan 24/11/2012.
W/Q: C/raxmaan C/risaaq C/raxmaan : Xigasho Kobciye
Xafiiska Newbanaadir
Muqdisho - Somalia
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com