Daraasad lagu sameeyay dalal badan oo laga beerto mooska , Bataatiga, bariiska, galeyda iyo qamadiga ayaa lagu soo ogaaaday in mooska uu si xad dhaaf ah usii badanayo halka dalagyada kaledhamaan bixitaankoodu uu aad u yaraaday.
-->
Cilmi baaristaan ayaa lagu sameeyay wadamada sookoraya tacabka beeraha ee kajira, waxaana walaac laga muujinayaa naaquska ku imaanaya dalagyadaasi in saameyn weyn kuyeelan karto dadyowga dabaqada hoose oo sicir bararar xagga dalagyada yaraanaya ka imaanaya
Dalagyada gaabisku gelayo ayaa waxaa lagu sheegay in ay kamid yihiin Bataatiga, bariiska galeyda iyo qamadiga oo uu meesha kasaarayo mooska sida lagu xusay cilmi baaristaan lagu sameeyay beerashada wadamada qaar.
Waxaa lagu sheegay sababaha kadanbeeya bulaalida mooska iyo hoos u dhaca Bataatiga, bariiska, galeyda iyo qamadiga cimilada aduunyada oo sii kululaanaya, moosku bixitaankiisuna kuleylaha uu kuwanaagsanyahay halka dalagyada kale ee kazoo hara oo dhan bixitaankoodu uu kuwaangsanyahay jawiga qabow.
-->
Xafiiska Newbanaadir
Muqdisho - Somalia
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com