Daawo Sawirada "Jaamacada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho oo yeelatay hogaan cusub oo xilka la wareegay"

Monday, November 26, 20120 comments


Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo ay xilalka ku kala wareegayeen gudoomiyihii hore iyo kan cusub ee Jaaamacadda Somalia ayaa maanta lagu qabtay xarunta Jaamacadaas ee magaalada Muqdisho.

Waxaa munaasabadaas ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada oo isugu jira ganacsato waxgarad, aqoonyahano, maamulka, macalimiinta, ardayda, waalidiin, iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.

Waxaa ugu horeyn ka hadlay munaasabada Gudoomiyaha Guddiga sare ee Jaamacadda Somalia Maxamed Macalin Axmed oo sheegay in ujeedada xafladan ay tahay iney xilalka ku kala wareegaan maamulkii hore iyo kan cusub ee Jaamacadda, isagoo xusay in jaamacada oo la aasaasay sanadkii 2005-tii uuna hadda xilka qabanayo gudoomiyihii 7aad.

Waxaa sidoo kale ka hadlay gudoomiyaha xilka ka degay ee Jaamacada Somalia Yaxye Ibraahin Cali Hareeri oo ugu horeyn ka waramay marxaladihii ay Jaamacadu soo martay saddexdii sano ee uu xilka hayey, isagoo tilmaamay in markii xilka Jaamacada uu la wareegayey ay wax dhiganayeen 100 arday, haatana ay marayaan 4.700 oo arday, wuxuuna tilmaamay in jaamacada ay shaqooyin kalA duwan ka heleen boqolaal qof.

“Marxaladaha aan ku soo shaqeynay kuwa ugu daran waxaa ka mid ahaa colaadihii adkaa ee soo maray Muqdisho sanadihii dambe oo si weyn noo saameeyey, waxaan aragnay madaafiic fasalada ku soo dhacday oo arday dhimasho iyo dhaawac u geysatay, waxaan soo aragnay wadooyin xiran, intii aan shaqada waday jaamacada dhowr mar ayey xarunteeda ka guurtay dagaalada awgeed ILAAHAY mahadiis sabarkeenii iyo dedaalkeenii ka dib waxaan ku guulueysanay inaan jaamacada meel sare gaarsiino” ayuu intaa ku daray Yaxye Ibraahin Cali Hareeri oo ugu baaqay maamulka macalimiinta, ardayda, iyo waalidiinta iney si wanaagsan ula shaqeeyaan maamulka cusub.

Sidoo kale waxaa munaasabadaas ka hadlay gudoomiyaha cusub ee jaaamacadda Somalia Dr. Maxamed C/wali Shiikh Yuusuf Garaad oo ugu horeyn uga mahad celiyey maamulkii ka horeeyey heerka uu jaamacadda soo gaarsiiyey.

“Waxaan wax ku bartay canshuurtii shacabka Soomaaliyed si bilaash ah ayaana Jaamacaddii ummada uga baxay, waxaan wax dalka ka maqnaa 30 sano ku dhowaad sababta igu kaliftay inaan hadad imaadana waxay tahay si aan dadkeyga iyo dalkeyga ula qeybsado dhibaatada maadaama xiligu dheeraaday wax baddana la maqnaa” ayuu intaa ku daray Dr. Maxamed C/wali Shiikh.

Gudoomiyaha cusub ayaa balan qaaday inuu jaaamacada ku soo kordhin doono Kambas cusub, sarena u qaadi doono tayada iyo qalabka aqooneed ee ay ku bartaan ardaya jaamacada wax ka dhigata, wuxuuna ka dalbaday maamulka iyo macalimiinta iyo waalidiinta iney xilkaas cusub ee uu qaaday gacan ku siiyaan.


Waxaa sidoo kale goobtaas ka hadlay xubno ku hadlayey qeybaha bulshada sida ganacsatada, ardayda, macalimiinta iyo waalidiinta ardayda jaamacadas, kuwasoo sheegay in Jaamacad Somalia ay door muhiim ah kaga jirto kor u qaadida aqoonta ardayda Soomaaliyed, waxayna balan qaadeen iney la shaqeyn doonaan maamulka cusub ee jaamacada Somalia.

Gudoomiyaha cusub ee jaamacada Somalia Dr. Maxamed C/wali Shiikh Yuusuf Garaad ayaa ku taqasusay culuunta Sayniska, wuxuuna shahaada master ka qaatay jaamacada London sanadkii 1993-dii, isagoo 1999-kiina ka qaatay isla Jaamacadaasi shahaadada BHD, wuxuuna ka soo shaqeeyey Jaamacadaha London, Kambala iyo Jigjiga oo ku taala dhulka ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya.





















Xafiiska Newbanaadir 
Muqdisho - Somalia 
Nagala Soo xariir emailka 
newbanaadir@hotmail.com 
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog