![]() |
Lamaanayaasha
sida dhabta ah isku jaceyl waxaa soo wajaho dhibaatooyin iyo khilaafaad aad u
xoog badan oo la xaqiijiyay in looga gudbi karo ama lagu xalin karo ayadoo
leysku sabro.
Hadaba
akhristoow hadii aad kujirto xiliga haasaawaha iyo xiliga nolosha ooaad caruur
xattaa leedahay waxaa hubanti ah adiga iyo lamaanahaada inaad isku dhaceysaan
waayo jaceylka dhabta ahi isku dhac lagamaba waayn karo.
Lamaanayaasha
sida dhabta ah isku jaceyl ee nolol wadaaga ah ayaa inta badan khilaaf kusoo
noqnoqdaa hadaba akhristoow ma ogtahay shabakada www.newbanaadir.com markii aay
baaritaan sameysay in khilaafaadka soo kala dhex galo lamaanaha sida dhabta ah
isku jacel uu yahay khilaaf ka abuurmo wax aad u fudud oo aan mudneyn in leysku
khilaafo.
Maanta
waxaan halkaan kusoo gudbineynaa hababka ugu sahlan ee lagu xalin karo
khilaafaadk lamaanaha nolol wadaaga ahi, ha ahaado khilaaf buuran ama mid
yarba, balse xusuusnoow khilaafaadka ayaa ku kala wanaagsan hadba qaab ama wado
in loo xaliyo.
Hadaba
hadii aad dooneysid inaad mar weliba u taagnaato xalinta khilaafka adigha iyo
lamaanahaada waa in aad jaceylkaaga bartaa sidii aad isku ixtiraami laheydeen
waayo hadii labadiina ixtiraam adag idin ka dhaxeeyo waxaa hubanti ah is faham
waagii idinka dhex dhici lahaa inuu yaraado, sidaa awgeed baro sida aad
lamaanahaada ugu kasban karto ixtiraam leysku muujiyo oo aan aheyn mid qarsoon.
Ahoow
ama noqo mid had iyo jeer wixii cusub ee kusoo kordha la wadaaga lamaanihiisa
una sheego, sidaan ogsoonahay khilaafka ugu badan ee lamaanaha soo kala dhex
galaa waa maxaa warkaas ama sidaas iyo sidaas iiga qarisay oo aan meel kale ugu
soo ogaaday, ama inteey waxaasi dhicin maxaa iigu sheegi waaysay, hadaba
inteysan waxaasi kugu dhicin lamaanahaada had iyo jeer la wadaag wixii kugu soo
kordha, si aad ugu hortagto khilaafaadka hadhoow idiinka dhex dhici doono.
Qoraxdu
markeey dhacdo waxaa la dareemaa in mugdi lasoo galay, hadaba lamaanahaada
markii aad tagto qof cidlo dareemayo ha noqdo, hadaba sidee ayaad sidaasi ku
abuuri kartaa waa adigoo inta aad lajoogto farxad iyo sheekaba sheeko isku
dhiibtaan taasi waxeey yareyneysaa khilaafka lamaanahaadana markaad ka
maqantahay qosolkaagii ayuu tabayaa, ogoow dhoola cadeyn yar aad u dhoola
cadeyso jaceylkaaga inaad ku hanan kartid khalbiisa oo dhan….
Intaasi
aan ku ekeyno qormadii ayaa inala fogaatay saacadaha soo socdo waxaan kaloo soo
gudbin doonaa afar qodob oo kale oo lagu xaliyo khilaafaadka jaceylka si aan u
dhameystirnii.
Waayo
qodobadaan aan hada ka hadalnay waa lamaanaha isla joogo, waxaan ka hadli
doonaa lamaanayaasha waayaha iyo waqtiga kala raray ayagoo kala fog sidee u
xalin karaan mowjadaha buuqa leh ee soo hareeyo jaceylkooda.
Xasan Maxamed
Xafiiska Newbanaadir
Oslo - Norway
xasanyare09@live.com
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com