Dalka Koofur Kuuriya ayaa waxaa ku nool maroodi ku hadli kara qaar ka mid ah ereyada luqada loogaga hadlo Kuuriya.
Maroodigan oo lagu magacaabo Koshik ayaa ah 22 sano jir waxana uu awood u leeyahay in uu faantiisa dhex geliyo afka isla markaana ku dhowaaqo illaa shan erey oo luqada Kuriyanka ay ku hadlaan.
Ereyadan ayaa marka af Soomaali loo tarjumo waxa ay noqonayaan “iska waran”, “Fariiso”, “Maya”, “Seexo” iyo “Fiican”.
Hase yeeshee dadka ayaan rumeysnayn in maroodiga ereyada uu ku dhowaaqayo ay yihiin kuwo uu famayo isaga oo og micnaha ereyadaas.
Wargeyska la yiraahdo Current Biology ayaa qoray in luqada Koshik ay tahay xirfad bidhaamin karta aqoonta iyo barashada ereyada.
Cilmibaarayaal ayaa waxa ay ka duubeen maroodigan codadka ka soo baxaya iyagoo u bandhigey dadka ku hadla luqada Kuuriyaanka si ay u xaqiijiyaan ereyadaas dhab ahaantii waxa ay yihiin.
Ma cada sababta maroodigan Koshik la yiraahdo uu u bartay ereyadan balse saynisyahanada ayaa waxa ay sheegayaan in maalmihiisii hore ay ku lug leeyihiin sababta keentay in uu ku dhowaaqo ereyadaas.
-->
Maroodigan ayaa ahaa kan kaliya ee ku noolaa xero lagu xanaaneeyo xayawaanada ee Everland Zoo ee koonfur Kuuriya ku taal muddo shan sano oo ahaa sanadihii uu korayay.
Dadka ayaa ahaa waxa kaliya ee uu la xiriiri jirey sidaa ayaa laga yaabaa inuu u qabatimay ereyada kuuriyaanka ah.
-->
Xafiiska Newbanaadir
Muqdisho - Somalia
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com