Magaalada Muqdisho 24-kii Saac ee lasoo dhaafay waxaa ay dadku aad u hadal hayeen dhacdo yaab badan oo ka dhacday Xaafad kamid ah Magaalada Muqdisho kadib markii la sheegay in Nin iyo naag iyaga oo sineesanaya ay isku dhageen.
-->
Waxaa sidoo kale la sheegay in Naagtan sineesanaysay la qabay Ninka qabayna uu kumaqan yahay Sacuudiga uu Xaj ahaan u aaday waxaana la sheegay in Ninku yahay nin Wadaad ah,waxaana Warar aan la xaqiijin sheegayaan ninka naagta ay isku dhaganyihiin in uu yahay Nin ehel la ah Ninka naagta qabo .
Warkan ayaa ah mid aad loo hadal hayo waxaana la sheegay in ay isku dhageen Nin iyo Naag qaab sharci daro ah iskugu tagay ,waxaan lagu waramay in Naagta ay aheed Xaas uu qabay nin Sheekh ah ayna isku tageen nin kale oo dhalinayro ah.
Ninka iyo naagta ayaana isku dhagay waxaana loo soo qaaday Isbitaalada Magaalada Muqdisho si ay xal ugu keenaan waxaana la sheegay dhoor Isbitaal oo la geeyay in wax laga qaban waayay ayna soo celiyeen iyagoona hada yaala Isbitaalka Banaadir ee Magaalada Muqdisho.
Dad soo arkay Ninka iyo Naagta isku dhagan oo la hadlay warbaahinta ayaa noo sheegay in maanta indhahooda kusoo arkeen Ninkaasi iyo naagta isku dhagan ayna xiranyihiin dhar cadb cad ayna ku jiraan mid kamid ah Qolalka Isbitaalka.
Dad badan ayaa tagay Isbitaalka kuwaa oo halkaa u tagaya si ay u daawadaan Ninkan iyo Naagta isku dhagan iyadoona wali ay Isbitaalka kusii qul qulayaan dad aad u fara badan oo u daawasho tagaya Ninkan iyo Naagta la sheegay in ay isku dhaganyihiin .
Waa arin Mucjisdo ah dad badan ay layaabeen iyadoona arintan naxtinta badan ay tahay maanta mida kale ee sida aadka ah looga hadal hayo Magaalada Muqdisho labadii kulantana ay isweediinayaan.
-->
Xafiiska Newbanaadir
Muqdisho - Somalia
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com