Riwaayad si heer sare ah loo soo agaasimay looguna talagalay dhiirri gelinta Nabadda oo ay soo qaban qaabisay hey’adda cilmi barista iyo wada tashiga (CRD) ayaa lagu qabtay xarunta degmada Cabdi Casiis ee Gobalka Banaadir.
Munaasabadaan oo ay kasoo qeyb galeen masuuliyiin kala duwan, dad weyne aad u jadbeysan oo u badan shacabka degmadaas ayaa intii ay socotay waxaa heeso katurjumaya nabadda iyo wax tarkeeda waxaa kasoo jeediyay hobaladda Waaberi, Onkod, Horseed iyo Heegan iyada oo dadkii daawanayay ay si aad ah u qiiroodeen.
Gaba gabadii Riwaayada waxaa hadalla ka jeediyay Cabdi Shiikh Doon Nageeye oo ah masuul kasocday hey’adda cilmi baarista iyo wada tashiga (CRD) oo sheegay in hey’adoodu ay barnaamijkaan ugu tala gashay in sare loogu qaado wacyi gelinta dhanka bulshada ah horayna ay ugu soo qabteen degmooyin kale ayna sii wadi doonaan oo degmooyinka u dhimanna ay sidaan oo kale ugu qaban doonbaan isaga oo uga mahad celiayay maamulka degmada Cabdi Casiis iyo shacabkeedaba sida wanaagsan ee ay u aqbaleen taaba gelinta Riwaayadaasi.
Waxa uu intaa kudaray in barnaamiya kale oo ay ugu tala galeen cilmi baaris dheer kadib in ay bulshada horumarintooda uga qeyb qaataan ay dhawaanahaan soo bandhigi doonaan.
Waxaa kale oo meesha kahadlay maareeyahaa golaha murtida iyo madadaalada Cabdi Dhuux oo sheegay in ay muhiim tahay in ay fanaaniintu qeyb libaaxle ka qaataan wacyi gelinta bulshada, waxa uuna mahad balaaran u soo jeediay hey’adda cilmi baarista iyo wada tashiga (CRD) oo uu sheegay in ay u taagantahay horumarinta shacabka Soomaaliyeed iyo dhiiri gelintooda.
Waxaa soo xiray xafladii lagu soo bandhigayay riwaayada loogu magaca daray horumarinta nabbada iyo dhanbaalka hobalka gudoomiyaha degmada Cabdi Casiis oo si aad ah ugu amaanay CRD howsha muhiimka u ah shacabka Soomaaliyeed uheyso, waxa uuna u rajeeyay in barnaamijyada nuucaan oo kale ah ay sii wadaan.
Xafiiska Newbanaadir
Muqdisho - Somalia
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com