Xaliimo Khaliif Cumar barre oo ku magac-dheereed ((Magool )) ama ((boqorada codka ))waxay ku dhalatey gobolka Hiiraan gaar ahaan degmada Beledweyne sanadkii 1943kii.
Xaliimo khaliif waxa eey usoo wareegtay magaalada muqdisho ayada oo yar ,waxa eena ku soo kortay guriga abtigeed maxamed xaaji kadibna hargeyso ayee u wareegtay halkas oo eey fanka ka soo gashay xaliimo khaliif .
wax yar kadib waxeey dib ugu soo laabatay maagalada muqdisho halkaa oo aad uga hana qaaday fankeedii.
xaliimo khaliif allaha u naxariistee durbadiiba waxa eey ka soo dhex muuqatay dadkii ugu cadcadaa fanka soomaaliyeed ,heestii ugu horeeysay ee qaado xaliimo khaliif cumar barre (magool) waxa eey eheed heesta lagu magacaabo ((banaadiri)) kadib si is daba joog ah ayaa loogu dhiibaayay heesaha eey ku luuqeeyso xaliimo khaliif ,heer eey gaarto in eey u tartamaan abwaaniintii heesaha curun jirtay iyo fanaaniintii jeclaa in eey la qaadaan xaliimo khaliif.
waxaa lagu xasuustaa xaliimo khaliif heesihii eey qaday oo nuuc walbo lahaa iyo waliba heesihii ee ka qaaday shirkii midawga afrika ee lagu qabtay magaalada muqdisho oo ayada iyo fanaaniin eey ka mid yihiin mxamed suleymaan tubeec salaad maxamed shardi s/darbi iyo seynab cige iyo kuwa kalaba eey aad ugu guubaabiyey madaxdii africa in eey wadamadooda gumeysiga kala tashan oo ayaka maskaxdooda ka maamulaan ,sidoo kale xaliimo khaliif cumar (magool) allaha u naxaariistee heesahee qaadi jirtay waxee u badnaayee kuwa jeceelka oo aad iyo aad ugu helaan dadka soomaaliyeed kuwaas oo inta badan labalabo ula wadaagi jirtay faniinta kale ee raga ahaa siiba kuwoodii ugu caansanaa fanaaniintii xiligaas sida,Magool waxa ay ku geeriyootay wadanka Holland
maxamed suleyymaan waa tubeec
maxamed nuur giriig
maxamed axmed kuluc
maxamed jaamac joof
maxamed mooge liibaan
maxamed yuusuf cabdi
maxamed warsame qas aali
axmed mooge shimbir liibaan
axmed cali cigaal
axmed nuur jaangow
cabdi salaad aadan (beerdilaacshe)
cabdi qadar xasan xuseen
cabdi nuur allaale
cabdalla yuusuf (hanuuniye)
cabdi tahliil warsame
cusmaan cabdi kariim (gacan laaw)
salaad maxamed shardi (s/darbi)
xasan aadan samatar
xasan diiriye faarax
abdisalan awil jama
iyo kuwa oo aanan soo koobi karin,abwaanada sida weyn heesahooda ugu dhiibay xaliimo khaliif cumar barre (magool) waxaa ka mid ah ;
maxamed cali kaariye
xasan xaaji cabdullaahi (xasan ganey)
cabdul qaadir cali cigaal (cirro)
abwaan qurbaawi
cabdi muxumud amiin
iyo kuwa kale oo fara badan.xaliimo khaliif cumar (magool) heesaha eey ku luuqeeyso ee wadaniga ah wee badan yihiin waxaana ka maid ah "Nin ku siray wax kuu sheeg" oo si wada jir ah ula qaadayaan fanaaniinta kala ah
maxamed suleymaan tubeec
saynab cige
salaad maxamed shardi s/darbi
heesta kale ee la yiraahdo ((ka digtoonaw dab walaaqay noqotey )) oo eey la qaado fanaaniinta kala ah
cabdalla yuusuf hanuuniye
haboon cabdillaahi .
waxaa kaloo kamid ah heesaha wadaniga eey ku luuqeeyso xaliimo khaliif cumar barre ((magool))
"nin kagu seexdoow ha seexan", "maanta manta maanta waa maalin weyne maanta" "soomaali dooylaay afrikay hurudooy" iyo in badan oo aanan soo koobi karin.Xaliimo khaliif cumar barre (magool) waxeey si aa ah u qaadaa heesaha jaceylka ah oo si aan caadi aheey u jecelyihiin dadka soomaaliyeed waxaana ka maid ah heesahaas .
Ninankiinii anigaa imidee sida sida dalsan neyruus raxmad aramidu caashaqa habaayicin qormo ashqaraar iimaanso amaantaada u hub qaado meelkale dalmaro goronyo cowl alleylahe jaceylkii hibooy aan is helno boqorkii quruxda aqoon idil sida canabka neeraha banaadir subcis wabiyo isu oomani shimbiryoow radkii jaceylka gododley jaceyl dhiig malagu qoray iyo kuwa kale oo badan ..
sidoo kale xaliimo khaliif cumar barre (magool)waxa eey qaadaa oo ku luuqeeysaa qasiidooyin [((( nabi amaan ah )))] oo add u fara badan waxaana ka mid ah inta raacday ((((NABIGEE)))) rafiiqiise noqotee madad madaad iyo kuwa kale oo badan oo aan la soo koobi karin . xaliimo khaliif cumar barre (magool) markii qabtii dhacday kama eeysan bixin dalka ee waxa eey ku nooleed magaalada muqdisho gaar ahaan xaafada taleex oo eey ku yebsatay walaalaheeda soomaaliyeed wixii soogaaray oo burbur ahaa . xaliimo khaliif cumar barre ((magool)) waxa eey eheed mid eey aad u jecelyihiin dadka soomaaliyeed gaar ahaan dadka fanka ku dhex jira ,kuwaaoo inta badan ku imana in eey qof dabeecad wanaagsan oo dul qaad badan aheeyd xaliimo khaliif (magool) .
hadaba sanadku markuu ahaa 19 -3- 2004 ayee ku geeriyootay allaha u naxariistee xaliimo khaliif cumar barre (magool) magaalada (amistardam) ee dalka (holan) wax caruur ahna ma eysan dhalin xaliimo khaliif cumar barre (magool) waxaana lagu aasay duleedka Magaalada Muqdisho taariikhdu markey aheyd 22 3 2004 .
waxaana loo sameeyay aas qaran oo ka soo qeyb galeen dhamaan nuucyada kala duwan ee bulshada soomaaliyee ,aaska xaliimo khaliif cumar barre (magool) waxa oo u dhacay si aan caadi aheey kaasoo keentay in dadku is qabsadaan inta u dhaxeysa magaalooyinka (muqdisho-ilaa-afgooye)ayakoo gaaraya 20 kun ka badan .
Hadaba xaliimo khaliif cumar barre (magool) waxaan ilaah uga baryeenaa in uu danbigeeda u dhaafo qabrigana u waasiciyo janiisa fardowsa aheed ka waraabiyo .
aamiin aamiin aamiiin
W/D Wariye Zakariye Xaaji Abshir Kanbaala
adanyar 85@hotmail.com
xaigasho Allbanaadir.com
Xafiiska Newbanaadir
Muqdisho - Somalia
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com