Dhaq dhaqaaqyo ciidan oo laga dareemayo deegaano ku dhow dhow magaalada Jowhar

Sunday, November 25, 20120 comments


Wararka ka imaanata inta u dhaxeysa magaalada Jowhar iyo Balcad ayaa sheegay in dhaq dhaqaaqyo ciidan ay ka jiraan, halkaasoo saacadihii u dambeeyay ay buux dhaafiyeen Ciidamada dowladda, kuwa AMISOM oo wata gaadiidka dagaalka.

Sida ay sheegayaan wararka dhaq dhaqaaqyada ciidan ayaa ah mid ku wajahan, sidii ciidamada huwanta ay ku qabsan lahaayeen magaalada Jowhar, inkastoo xaalada magaalada ay caadi tahay, hadana dadka wadada ku safray ayaa sheegaya in ciidamada ay u dhan yihiin dhamaan gaadiidkooda dagaalka iyo kuwa sahayda u sida.

Taliyaha gaaska koowaad ee Ciidamada xooga dalka Jen. C/llaahi Cali Caanood ayaa sheegay in shalay gelinkii dambe ay ciidamadooda sahan ku tageen deegaano galbeedka iyo koofurta ka xiga magaalada Jowhar.

Jen. Caanood ayaa sheegay in aanay jirin awood hor-taagan, isla markaana ay rajeynayaan in waqti dhow ay galaan magaalada xarunta u ah Shabellaha Dhexe.

Dad ku sugan Jowhar ayaa inoo sheegay in wali Shabaabka ku sugan yihiin magaalada, hase ahaatee aanay u badneyn sidii hore, waxaana mar walba dadka u taagan dhegta, maadaama ay marar badan soo noq noqotay in ciidamada dowladda ay qabsanayaan Jowhar.

Laakiin Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo diiday magaciisa ayaa sheegay in qorshahan uu yahay kii ugu dambeeyay ee ku wajahan Jowhar, isla markaana ciidamada ay horkacayaan Saraakiisha sar sare ee dhinaca hogaaminta dagaalka.

Magaalada Jowhar ayaa u jirta Caasimada Soomaaliya 90-KM, waana magaaladii u dambeysay ee Koofurta Soomaaliya gacantooda ku hartay Al-Shabaab, inkastoo degmooyin iyo deegaano badan ay wali gacanta ku hayaan, hadana Jowhar ayaa ah magaalada ugu weyn ee ay ku harsan yihiin, kadib markii horay looga qabsaday Marka iyo Kismaayo.












Xafiiska Newbanaadir 
Muqdisho - Somalia 
Nagala Soo xariir emailka 
newbanaadir@hotmail.com 
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog