![]() |
Waxaa maalintii labaad ka socda magaalada Kampala ee dalka Uganda Ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika, iyadoo maanta Group-ka B oo ay ku jirto Xulka Qaranka Soomaaliya.
Ciyaarta la sugayay ee dhex maraysay Xulalka Burundi iyo Soomaaliya ayaa galabta ka dhacday, waxaana ciyaarta oo ay soo xaadireen taageerayaal fara badan oo Soomaali ku nool Kampala ay ahaayeen kuwo xamaasad ka muuqday, ayna lulayeen calanka Soomaaliya, oo badankood ay ku labisnaayeen dharka Calanka.
Ugu horeyn ciyaarta ayaa ku bilaabatay dar dar xoog leh, iyadoo ciyaartoyda xulka qaranka Soomaaliya ay bilowgii hore ciyaarta sameeyeen dadaalo muhiim ah, iyadoo kubado goolal loo fishay qasaariyay.
Mid ka mid ah fursadaha aadka muhiimka u ahaa ayaa waxaa ka mid ahaa kubad birta uga dhacday oo uu laaday Ciyaarayahnka nambarka 8aad u watay oo lagu magacaabo Amiin.
Laakiin wax walba waxay is bedeleen daqiiqadii 31aad, markii kubad laad xor aheyd oo lagu tuuray Goolhayaha xulka Qaranka ayaa markii uu soo tufayu waxaa ku celiyay oo shabaqa haleelsiiyay kubada ciyaaryahanka Burundi u watay nambarka 6aad oo lagu magacaabay Christopher Nduwaragira.
Daqiiqadii 41aad ee qeybta hore ayaa waxaa kubad laad xor aheyd waxaa shabaqa ku hubsaday ciyaaryahanka dhexda uga ciyaarayay xulka Brundi Suleimane Ndikumana, waxaana markaas wixii ka dambeeyay jahwareer soo kala dhex galay ciyaartoyda Soomaalida oo ahaa kuwo jaanta isla haleeli waayay.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa waxaa lagu kala nastay 2-gool iyo waxba oo ay ku hogaamineysay xulka Brundi.
Waxaa markii qeybta labaad la isku soo laabtay, wada tashiyo macalimiinta la soo sameeyeen ciyaartoyda waxay ciyaartoyda Soomaalida garoonka ku soo galeen dar dar la mid ah tii bilowgii ciyaarta, waxaana daqiiqadii 51aad ay heleen rigoore uu u saxiixay ciyaaryahan Jabriil Hassan oo ciyaarta ka dhigay 2-gool iyo 1-gool.
Xulka Qaranka Soomaaliya oo goolkaas ay rajo gelisay ayaa mar kaliya waxaa daaqada ka baxday rajadooda, markii goolka 3aad laga dhaliyay, kaasoo uu mar kale saxiixay ciyaarayahan Suleimane Ndikumana, intaas kadib waxaa niyad jab ku dhacay ciyaartoyda Soomaalida oo labo gool kale laga dhaliyay.
Ciyaarayahan Suleimane Ndikumana ayaa goolasha loo yaqaano saddexley ka dhaliyay goolhayaha xulka qaranka Soomaaliya oo ay ka muuqatay qibrad la'aan, isla markaana sabab u ahaa goolal badan oo laga dhaliyay.
Xulka Brundi ayaa meesha ka saaray car cartii xulka Soomaalida oo labadii todobaad ee u dambeeyay diyaar garow iyo tababar adag ku jiray, waxaana guuldardan ay aheyd tii ugu xumeyd ee tartanka ka soo wajaha.
Waxaa ay la ciyaari doonaan xulka Qaranka Soomaaliya xulalka Tanzania iyo Sudan oo ay isku Group yihiin.
Soomaalida badan oo gudaha dalka ku sugan ayaa ka daawanayay ciyaartan Kanaalka Super Sport 9 oo tabinaya ciyaarayaha Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika.
Ciyaarihii kale ee Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika oo shalay la ciyaaray, xulalka Uganda iyo Kenya ayaa waxaa gool iyo waxba ku badisay xulka Uganda, halka Ethiopia ay gool caato ah uga badisay xulka Koofurta Sudan oo markii u horeysay ka qeyb qaadanaya tartankan, tan iyo markii ay gooni isu taageen bartamihii sanadkii hore.
Xafiiska Newbanaadir
Muqdisho - Somalia
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com