Maamulka Gobolka Gedo ayaa ka warbixiyay dagaal xoogan oo shalay ka dhacay degmada Beled-xaawo, kadib markii ay soo weerareen Xoogag taabacsan Shabaab, kuwaasoo muddo kooban la wareegay gacan ku heynta degmada.
Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay in Shabaab ay si kedis ku soo galeen qeybo ka mid ah Beled-xaawo, hase ahaatee laga hortaagay, lagana saaray.
"Shalay si kedis ah ayay qeyb ka mid ah degmada ku soo galeen, waa laga hortagay, waa soo galeena waana laga saaray, wax qasaare ah nama soo gaarin, kaliya afar meyd ayaa looga reebay"ayuu yiri Maxamed Cabdi Kaliil.
Mr Kaliil ayaa sheegay in aanay Shabaab magaalada oo dhan la wareegin, isagoo xusay in waqti aan badneyn lagula dagaalamay gudaha, isla markaana la iska caabiyay.
Waxaa uu sheegay inay ka soo galeen meel aanay fileyn, gaar ahaan dhinaca wadada ka timaada Ceel-waaq, halkaasoo weerar lama filaan ah ay ka soo qaadeen.
Xaalada degmada Beled-xaawo ayaa saaka degan, iyadoo xalay ay soo gaareen ciidamo fara badan oo ka yimid dhinaca degmada Doolow, waxaana dagaalkii shalay ku barakacay dadweyne ku sugnaa Beled-xaawo oo u cararay dhinaca Mandhera ee xuduuda Kenya.
Xafiiska Newbanaadir
Muqdisho - Somalia
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com