Gabar yahey ma Jeceshahay in aad ogaato Sirta uu Ninkaaga kaa qariyo(Fariin u gaar ah Dumarka)

Sunday, November 25, 20120 comments


Wax fudu maahan in aad shaaca ka qaado sir uu kuu sheego sayga aad u dhaxdo ,maxaa yeelay ragga ayaa ku dadaala in sir aysan ka fakan oo ay in badan qariyaan ,waxaana halkaan kusoo bandhigeynaa qodobo dumarka u sahlaya in ay ku gartaan sirta ay ragooda ka qarinayaan.
1-Aad u kor meer habdhaqanka ninkaaga.
Ninka ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca dhaqan aad layaab u leh ,kaa oo dhabbaha u xaara in wax fara badan gabadha ay ka ogaato haweeyneeyda ,waxaana isla waqtigaas gabadha u sahlanaata in wax farabadan ay daaha ka rogto
2-Weydii su’aal Wareerisa oo aad u adag:
Haddii aad ogaato sababta ku kaliftay in sirtaan u kaa qariyo ,weeydii su’aalo ku tacaluqa sababtaasi kana war dhoor oo ha ku hor ordin jawaabaha uu ku siinayo ,haddii uu ku fashilmo in si sax ah uu uga jawaabo ogoow waxbuu kaa qarinayaa isaga oo muujinaya daganaansho si uu uga fakado su’aasha
Hubi inaad weeydiisay saygaaga su’aalhii aad u bahneeyd in aad jawaabtooda hesho :
Waxaa muhiim ah gabaryaheey in aad ku dadaasho sida aad ku xaqiijin lahayd waxa aad ka baadi goobeeyso oo ah soo saarista sirta ninkaaga uu kaaa qarinayo.
Ogoow kana digtoonoow in shakhsi kale aad la kaashato xogta aad kaa raadinayso ninkaaga ,maxaa yeelay waxa dhici karta in ay dadka kale ku lumiyaan, dano kalan uga faa`iideestaan.
3:Ha`isku dayin in aad ku qasabto in uu hadlo :
Si kasta oo xaalku noqdo haku qasbin ninkaaga in uu hadlo ,maxaa yeelay ma ogolaandoono in uu hadlo oo kaa aqbalo waxaana dhici doonto in uu kugu canaanto arintaasi sidaasi aad ku khasaarto oo aad weeyso wixii aad baadi goobka ugu jirtay
4-:xukuno qaldan haku ridin saygaaga :
Haddii mar aad ka shakiso saygaaga oo aadan wax cad u heeynin waa in aadan ku dag dagin in aad xukun gaarto illaaa aad ka hesho xaqiiqda jirta











Xasan Maxamed 
Xafiiska Newbanaadir 
Oslo - Norway 
xasanyare09@live.com 
Nagala Soo xariir emailka 
newbanaadir@hotmail.com 
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog