Labo nin oo ka mid ah ragga isticmaala daroogada ayaa isku qabsaday waxay wado diyaarada hawada maraysay, Mid wuxuu yiri ” Diyaaradu waxay waday dad rakaab ah” Halka kan kale uu yiri ” Diyaaradu waxay wadaa wafdi” markay murankoodi isla dhaafi waayeen ayeey go,aansadeen inay iskula tagaan saaxiibkood oo sidoo kale ah isaguna ragga daroogada isticmaala.
Markay u sheegeen arrinkii ay isku haysteen ayuu u balan qaaday inuu si cadaalad ah ugu kala garsoorayo.
Wuxuuna hadalkiisi ku bilaabay “Nimanyahaw i dhegeysta, diyaaradu rakaab ma wado oo hadii ay wado waxay istaagi lahayd boosteejooyin badan.
Wafdina ma wado, oo hadii ay wado waxaa horsocon lahayd mootada taraafikada ee horkacda baabuurta waftiga lagu qaado. Hadaba ruux kale ma wadee, waxay waddo waa aniga!
Xafiiska Newbanaadir
Muqdisho - Somalia
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com