Cilmi-baadhis cusub oo ay sameeyeen khubaro ka tirsan jaamacado la
yidhaa Buffalo iyo MT Sinai oo caafimaadka lagu barto, ayaa iftiimisay
in qofka keli-socodka ah uu cuqdad ka qaado bulshada inteeda kale, isla
markaana ku adkaato inuu la dhaqmo amma dhex galo dadka.
Daraasaddan oo markii hore lagu tijaabiyey xayawaan meel goonni ah
lagu hayey muddo dheer, ayaa jidhkoodu soo saaray maadada cad ee la
yidhaa Myelin oo ka maskaxda ka dhigtay inay noqoto mid caaddiifaddu ku
badan tahay oo dadka kale ka qaloota.
Maxsuulka cilmi-baadhistan ka soo baxay waxa uu soo bandhigay
awoodda maskaxdu u leedahay inay isbeddelka bay?ada la qabsato,
waxaanay khubaradu sheegeen haddii maskaxda dadku la qabsato kelinimada
iyo cidlada inay ku dhacaan cudurro sababa cuqdad iyo isku buuq badan
oo qofku bulshada kaga dhex baxo.
Mr. Karez Dietz oo hoggaaminayey cilmi-baadhistan oo lagu daabacay
wargeyska Nature Neuroscience, ayaa yidhi; ?Daraasaddani waxay markii
ugu horreysay daboolka ka qaadday doorka maadada Myelin ku leedahay
cudurrada maskaxda ku dhaca ee dadka waaweyn, waxaanay keentaa haddii
qofku kali noolaado in maadadaasi maskaxdiisa ku badato, sidaa
darteedna neerfisyadu ku qasbaan keli-noolaansha, dadkana ka dhex
baxaan.?
Khubarada cilmi-baadhistan diyaariyey waxay sidoo kale u soo
jeediyeen dadka in aanay la qabsan kalinimada, isla markaana isku
dayaan inay qaybo ka mid ah waqtiyadooda la qataan eheladooda amma
shaqsiyaadka ay asxaabta yihiin si aanay cudurrada maskaxdu u asiibin.
Xafiiska Newbanaadir
Muqdisho - Somalia
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Xigasho Gubtanews