Xulka Qaranka dalkeenna Soomaaliya ayaa loo magacaabay tababare
cusub oo Ajnabi ah oo lagu magacaabo Sam Ssimbwa, isagoo hoggaanka
xulka Somalia loo dhiibi doono Koobka dhowaan furmi doona ee CECAFA
Tusker Challenge Cup.
Tababarahan oo macallin u ah kooxda SC Victoria ee dalka Uganda ayaa
sida lagu qoray bogga internet-ka kooxdiisa waxaa xulka Soomaaliya uu
macallin u noqon doonaa muddo laba Toddobaad ah taasoo ah inta uu socdo
Koobka CECAFA oo furi doona toddobaadkan, soona xirmi doona 8-da
December.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay in kooxdeydu ii ogolaato in aan tababare
u noqdo xulka Qaranka Soomaaliya” ayuu Sam Ssimbwa u sheegay bogga
Internet-ka kooxdiisa, isagoo intaa ku daray “waxay caddeyneysaa sida
Naadigeygu u taageersan yahay horumarka aan ka samaynayo dhinaca
tababarenimada”.
Waa markii ugu horreysay ee tababarahan uu layliyo xul Qaran, isagoo
jagadii ugu sarreysay ee uu gaaray ay ahayd Kaaliyaha Tababare ee xulka
Uganda dhowr sano ka hor.
“Mar walba sharaf ayay ii tahay in aan xul Qaran tababaro, Somalia
ma haysato Fursado ay ku guuleysan karto, laakiin hadda ayay heli
doonaan fursad ay ku soo bandhigi doonaan ciyaar aad u wanaagsan” ayuu
yiri tababare Ssimbwa oo sheegay in Bar tilmaameedkiisu uu yahay in
Soomaaliya ay soo gaarto 4-ta ugu dambeysa tartanka CECAFA.
Xulka dalkeenna ‘Ocean Stars’ oo uu tababare u ahaa markii ay
imaanayeen Uganda Abdi Faarax Cali ayaa soo ahaa xulkii ugu horreeyay
ee soo gaaray Uganda si ay uga qayb galaan tartankan iyagoo degay
Namboole Sports
Hotel, waxaana Soomaaliya oo kulankeeda ugu horreeya
ciyaari doonta 25-ka Bishan waxaana Qaybta B: ay ku wad ajiraan xulalka
Tanzania Sudan iyo Brundi.
Illaa iyo haatan wax war ah kama soo bixin xiriirka Kubadda Cagta
Soomaaliya oo ku aaddan heshiiskan la sheegay in lala galay tababarahan
cusub.
Xafiiska Newbanaadir
Muqdisho - Somalia
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com