Qoys ku nool bariga dalka Masar ayaa lagu soo wargaliyay in ay geeriyootay Gabar ay dhaleen oo la weesnaa mudo sadax maalin ah iyadoona Qoyskaasi ay u qaateen in ay geeriyootay Gabadhooda la waayay.
Qoyska ayaana si lama filaan ah loogu soo sheegay geerida gabadhooda oo 35 jir ah oo ay waayeen in kabdan sadex maalmood ,waxaana loo sheegay in poliska dalkaasi ay gacanta ku soo dhigeen sadex nin ah oo lagu soo eedeeyay in ay afduubteen gabadhooda ka adibna ay dileen oo ay meedkeeda ku tuureen wabiga masar dhex mara.
Gabadhan ayaa la sheegay in dhimirka ay la’eeyd xanuuno nafsani ahna ay hayeen ,raggan ayaa lasheegay in ay kufsadeen gabadha kadibna ay dileen sida loo soo wariyay qoyska gabdha dhalay.
Kadib markii uu soo baxay Aqbaarta ku aadan in gabdhaasi geeriyootay ayaa Qoyska ay ka dhalatay gabadha waxa ay abaabuleyn munaasabad loogu tacsiyeeynayo gabadhooda dad aad u farabadanna ay soo booqday guriga haweeneeyda ay ka baxday.
Dadka ayaa uga tacsiyeeynayay reerka ay ka dhalatay gabadha geerideedaa la soo sheegay ,hayeeshee waxaa layaab ku noqotay dadkii tacsidaasi ka qeeyb galayay ka dib markii uu soo galayay Guriga nin Pooliis ah ah oo gacanta kahayo gabadhii geerideeda la soo sheegay isla markaana loo fadhiyay tacsideeda.
Dadka ka qeeyb qaadanayay tacsida ayaa yaab iyo ama kaag waxa ku noqday in gabadhii aay tacsideeda ka qeeyb galayeen iyada oo nool albaaba uga soo gasho.
Munaasabadda tacsida ahayd ayaa waxa ay isu badashay munaasabad farxad iyo reeyn reeyn oo dadkii ay mar kale isugu hambalyeeyeey dadka qaar ayaa ilmeeyay iyaga oo rumeeysan waayay waxa goobtaasi ka dhacay .
Xafiiska Newbanaadir
Muqdisho - Somalia
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com