Qodobo kuu sahlaya Farxad gelinta Lamaantaada Nolosha

Sunday, November 4, 20120 comments

Dumarka Soomaaliyeed waa kuwa inta badan jecel waxyaabo kuu sahlan inaad sameeyso, waxay aad ujecelyihiin Ninka wanaajiya dhaqankeeda, Dadnimadeena, Dadkeeda, usameeya wax walbo oo ay jeceshahay.


1). in la amaano.
Amaantu waxa ay qeeyb weyn ka qaadataa soo jiidashada qalbiga xaaskaaga iyadoo kuu sahleeysa in si sahal ahi kuugu dhega furnaato lamaantaada waqtiyada aad amaanto.



2). in loo keeno hadiyado kala duwan.
Soomaali hadii aan nahay Hadiyadaha waxaan xiiseenaa waqtiga haasaaha ( Shukaansiga) Balse ma qiimeeno mar hadii aan soo guursano gabadha waxaase wanaagsan in Xaaskaaga marba marka ka dambeeso aad isku daydid inaad waqti walba kasbatid qalbigeeda ood hadiyado kala duwan ukeentid, xasuusteedii hore aad dib umilicsatid.



3). in goor kasta loo muujiyo in la jecel yahay.
Haweenku kama daalaan inaad waqti walba dhegaheeda ku dhibcisid Qiimaha jaceyl eed u qabtid waxay usiyaadisaa dhiiragalinta ay uqaadayso Jaceylkaada.



4). in markay hadlayso, loo dhago nuglaado.
Waa muhiim inaad waqti kufilan siisid dhageesiga waxyaabaha ay jeceshahay inaay kuu sheegato , ka dhageeso hadalada ay ku leedahay tixgalin iyo balan qaad usameey.



5). in la caawiyo markay hawl hayso.
Ha iska dhaadhacsiin sida Rag badan oo inaga mid ahi u aaminsanyihiin in shaqada guriga ay gaar u tahay Haweenka , waa muhiim inaad waqti siisid caawinta xaaskaaga , la hagaaji guriga qiimeen la sameey fikradaada ku kordhi , hadii ay awlaad kuu heeyso isku day inaad dheelintooda ku dadaashid aadbaay ujeceshahay ineey aragto caruurteeda ood sifiican u cayaarsiineeysid.



6). in loo muujiyo ixtiraam badan.
Sida dhabta ah waxay xaaskaagu kaa mudan tahay Naxariis joogta ah adigoo ixtiraam gooni ah siinaayo soo dhaweeynaayo hadaladeeda kuna dhiira galinaayo waxyaabaha ay wada tashiga kaala sameeyneyso.



-->
7). in loo garaabo sax ama khalad
Inaad ku taageertid waqtiyada ay kuu baahantahay sida marka ay garabka kaaga baahantahay istaag midigteeda sax iyo khaladba , ciidanka ay ku tashanayso waa adiga , Halyeeyga nolosheedu waa adiga , Hub aanan ka dhamaan unoqo.



8). in loo sameeyo wax wada iibsi (shopping)
Ragga Somaaliyeed qaarkood waxaa lagu dhaliilaa ineey ka faanaan lasocodka iyo caawinta xaaskooda waqtiga adeega banaanka loo doono, hadaba Xaaskaaga waa waxa ugu qaalisan eed ku faanto maahan inaad ka faanto , Uraac Suuqyada, Isbitaalada, goobaha ay dadku iskugu imaanayaan, uwad hadii aad usoctid meelo ay asaakeedu joogaan , waxaa baxaya shaki badan & Shux shux ay ka qabtay marka aad ka maqantahay.













--> 

Xafiiska Newbanaadir 
Muqdisho - Somalia 
Nagala Soo xariir emailka 
newbanaadir@hotmail.com 
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog