Qiso Jacel Oo Xanuun Badan Qiyaanadii Farxiyo Qorshahaygii Bay Qasaarisay (Dhacdo Dhab Ah)

Wednesday, November 28, 20120 comments


Waa qiso argagax leh oo ka dhacday dalka kofur africa Mohamed ayaa xariir laso sameyay Shabakada Arimaha Bulshada Ee newbanaadir.com Wuxuuna Ka sheekeeyay Qisadii Xanuunka Badneeyd Waxayna qisada  dhacday sidatan.

Waxaan kamid ahay dhalinyarada ka ganacsato magaala xeebeetka Capetown mudo 5 ilaa 6 sano ayaan ku nolahay halkan waxaan kamid ahay raga ugu caansan ama ganacsiga sareeyo, mudo waxaan isticmaalayay barta Internetka runti aad ayaan ugu waalnaa mashquulkeyga inta badan Internetka ayuu ahaa Shabakada ugu istimcalka badan calaamka ee facebook ayaan ka bartay gabar lagu magacaabo farxiyo mohamud oo joogta dalka Kenya,  runti farxiyo waxa ay ahayd qof dagan kana qaalisan dumarka kale ee aan ku arkay facebook-ga, waxan isku baranay walaaaltinimo mudo dheer ayaan kawada socanay qadka anaga oo mataleyno walaaltinimo,

Maalin ayay ii suura gashay farxiyo inaan ka qaaqto  numberkeda si an umaqlo codkeda quruxda badan haben ayaan wacay isla markiiba farxiyo aya telka iga qabatay aniga oo isku sheegay qofka aan ahay runtii codka quruxda badan oo  uu illaah ku manaystay ayaa  noqday mid wadnaheyga kala jaray sheeko iyo qosol badan kadib waan is macsalameynay,  habeenkaas maseexan waayo codkeeda macaanaa ayaa dhagaheeyga ka yeeraayay,  isla maalintii farxiyo waxaan ka codsaday in aan video chat iska aragno nasiib wanaaag wey iga aqbashay codkeda kaliya markii aaan maqlay waxaa uu wadnahayga ka dhigayay mid falaar laga tagay,  taloow quruxdeda sidee beey noqon doonta anigoo sidaasi is dhahaya  ayaan video chat isku aragnay.

Farxiyo intaan dunida dusheeda ku noolaa ma arag qof ka qurux badan, Farxiyo intan kuwada hadlaynay Video-ga  waxaan ahaa mid kuleel uu ku shidan yahay, mudo dhan laba isbuuc ayaan ku sugnaa xaalad xun, dhalinyarada asxabteyda weey iga daremayeen inaan aheen sidii awal aan  ahaaan jiray, fikir iyo qaabka aan ku heli lahaa Farxiyo ayaan habeen iyo maalin kutala jiray markii danbe waxaan go’aan saday inaan usheegto jaceylka baaxada leh ee aan u qabay Farxiyo, Nasiib wanaag weey iga aqbashahay weyna isoo dhaweesay,  murugo igu tagnaydd ayaa iga fuqday jacelka aan uqabay farxiyo ma ahayn mid la siisan karo dunida, waxaan wada soconay waqti dheer farxad iyo damaashaad ayaana  kujirnay, Mudo ayaan ka waayay farxiyo Internetka Taasi ani layaab ayay igu noqotay waan wacay iyadoo igu jawaabtay gacaliye qarash an kuso galo qadka maheesto family-ka ayaan lacag ka sugayay wayna iga so daahday gacaliye ii dulqado si naxariiis leh ayay igu dhahday aniga ayaana go’aansaday waqtigas ina lacag udiro Farxiyo ayaan ka codsaday wayna iga diiday Laakiin anigaa ku adkestay Farxiyo inaa udiro lacagta ayee aqir iga aqbashay waxaan udiray lacag dhan $100 si an qadka ugu midowno markale farxiyo intas waxey tijaabineysay ina gacan ad kahay iyo inkale lkn ani arintas waxba kama ogeyn wayo waxa I cada kaliye jacelka an uqabo farxiyo mudo kadib farxiyo ayaa go’aan adag so gaartay kaas oo ahaa in aan is guursano, arintas lama filaan ayay igu noqotay waanka aqbalay iyado igu dhahday xagee ku aqal galnaa kenya ama south africa ? waan farxay markii ay kusoo dartay South africa waayoo asxaabta an isla joogno qaarkood xaas ayay lahaayeen anigana waxaan usheega In aan South Africa ku aqal galano Wayna Iga Aqbashay,

Durbaba asxaabteyda iiu qaalisanayd ayaan ku war galiyay inaan guur la galaayo Farxiyo oo imaanaysa Koonfur Afrika waxaana usheegay ninkii aan igu raacsanyd arintaas inaysa naga dhaxeynin wax xushmad ah ,Farxiya waxaan udiray Nin Muqalas ah o aniga I keenay South Africa halkaasna waxaan ku baxshay qarash fara badan si farxiyo usoo caga dhigato Magaalo Xeebeebta CapeTown Usbuuc kadib Farxiyo ayaa timid Halkii aan deganaay  waxa ay aheyd maalinkii iigu farxada baneyd aduunka oo idil waxaan la xariirnay qoyska ay ka dhalatay Farxiyo waxaanan usheegnay in aan is guursan rabno nasiib wanaag wey naga aqbaleen

Farxiyo farxadeeda sidii aan u raadin lahaay ayaan dhexda u xirtay waxaan u iibiyay Mobile kan ugu qaalisan oo ay xiligaasi ku kacsanaayeen dhalinta Reer South Afrika sidoo kale guri qurux badan ayaan u sameeyay laakiin aniga marnaba ma ogeyn qiyaanada ay igu hoos waday Farxiyo waxaana jiray yar ay aad u jecleyd oo ay anigane igu dul qaday isla markaana yarka wuxuu igula sugnaa isla magaalada Capetown Farxiyo waxay la xariirtay yarkii ay igu dul waday  iyado usheegtay halka ay ku sugantahay una qortay address-ka yarkii ayaa si deg deg ah ku imaaday goobta wuxuuna u kaxaystay guri kale oo uu isaga u diyaariyay ileyn waa dad hore usoo balamay waqtigaas aniga waxaan ku maqnaa goobta shaqada oo maanan joogin waxaan soo wacay tellka ay wadatay farxiyo si aan wax yar ugu sheekeyo isla markaana aan u war galiyo inaan soo baxayo nasiib daro maba ii dhacayo tellka waxaan soo wacay dad daris ah waxayna ii sheegeen in la kaxaystay oo ay manta dhan isoo wacayen si ay iigu sheegaan aniga naxdin walwal waxaan soo abaaray gurigii nasiiib daro maba joogto farxiyo waxaan galay marxalad shoog ah waan amagaagay anfariir ayaa ila soo darsay waxaan ku dhacay goobtii anigoo suuxsan waxaa goobta iga kaxeeyay asxaabteyda hospital ayaana la I geyay shoog badan kadib waxaan joojiyay shaqadii waxaanan codsaday inaan nasasho galo si jawigii deganaay aan dib ugu laabto waana la iga ogolada waxaan aaday wiil aan aad saaxiib u aheyn ilaa yaraanteni oo deganaay magaalo aan sidaasi iiga fogeyn sxbkeyga ayaan usheegay qisadii I qabtsatay wuxuuna igu dhahay iska samir saaxiib halkaana iigu naso mudo kadib  Ayaa waxaa Isoo wacay Private Number waaan qabtay waala ii aamusay waxaan kudhahay waakuma? Qofkan hadal hadal dee anigoo si adeeg iska raadinaya Waxaana halmar la igu dhahay Aboowe Mohamed Waa Farxiyo,intaas markii aan maqlay dhulka ayaa ila gariiray naxdin waan hadli waayay waxay iga codsatay inaan iska cafiyo falkii foosha xumaa ay igula kacday isla markaana aan dib usoo noolayno wlaaltinimadeenii ,laakiin nasiib daro aniga waxaan ahaay mid aanan hadli Karin ilintuna ay dhaaftay dhabanada tellkii ayaanan ku damiyay laakiin hada waxaan kusoo noqday jawi degan iyo sideydii hore iyadane ma cafin mana saamixin cuqdadna uma qabo oo waxaan go’aansaday inaanan marnaba magaceeda soo xasuusan waloow ay tahay dhacdo xanuun badan oo igu dhacday hadane waxaan kasoo qaadaa inaan waligeyba maqlin magaca farxiyo Waxaanan ku suganahay sideydii hore shaqadeydii iyo ganacsigeygiina dib ayaan usoo nooleeyay

Hadaba Aqristoow Hadii Ay Kugu Dhici Laheyd Qiso Sidaan Oo Kale Ah Farxiyo Ma Cafin Laheyd??












Xafiiska Newbanaadir 
Muqdisho - Somalia 
Nagala Soo xariir emailka 
newbanaadir@hotmail.com 
www.newbanaadir.com

Xigasho Shumis.net
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog