Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo maanta booqanaya magaalada Gaza ee dhulka reer Falastiin

Thursday, November 22, 20120 comments


Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudaneyaasha Baarlamanka Somalia oo haatan ku sugan magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa sheegay in isaga iyo xubno ka tirsan Baarlamanka Carabta ay maanta booqanayaan magaalada Gaza ee dhulka reer Falastiin oo todobaadkii ugu dambeeyey ay colaado ka jireen.

Xildhibaan Dalxa ayaa intaa ku daray in ujeedada socdaalka ay ku tagayaan magaalada Gaza isaga iyo xubnaha la socda ay tahay sidii ay u soo qiimeyn lahaayeen qaabka ay u dhaqan gashay xabad joojin ay ku heshiiyeen Xamaas iyo Israel oo xalay bilaabatay.

“Marka aanu tagno magaalada Gaza aniga iyo xubnaha ka socda Baarlamanada Carabta madaxda iyo shacabka reer Falastiin waxaan u muujin doonaa sida aan uga xunahay dhibaatada ay Yuhuudu u geysatay iyo una garab taaganahay” ayuu intaa ku daray xildhibaan Dalxa.

Waa markii ugu horeysay ee magaalada Gaza ee dhulka reer Falastiin uu booqanayo xildhibaan ka tirsan baarlamanka dowlada Somalia.

Xabad joojin ay ka soo shaqeeyeen dowladaha Masaarida iyo Maraykanka ayaa xalay 19:00+GMT ka dhaqan gashay magaalada Gasa taasoo ay ogolaadeen ururka Xamaas iyo dowlada Yuhuuda ka dib todobaad ay isweydaarsanayeen duqeymo ay ku dhinteen in ka badan 100 Falastiiniyin ah iyo 5 Yuhuud ah halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen, waxaana shaqaaqadaas ay bilaabatay markii ciidamada Yuhuuda ay qaarajiyeen Axmed Al Jaberi oo ahaa hogaamiye sare oo ka tirsan Xamaas.












Xafiiska Newbanaadir 
Muqdisho - Somalia 
Nagala Soo xariir emailka 
newbanaadir@hotmail.com 
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog