Xabsi mise Hotel , Xabsiga ugu Nolosha Wanaagsan Dunida iyo Halka uu ku yaalo(Daawo Sawirada Raaxada Xabsigaasi)

Tuesday, November 27, 20120 comments


Xabsigaan waxaa la dhisay sanadaan gaba gabada ah ee 2012-ka Waxaana lagu magacaabaa HALDANE oo ku yaala wadanka Norway waxaan uu siwayn uga duwan yahay Xabsiyada ka jira inta badan caalamka , waxaan uu leeyahay Qalab diyaarsan oo ay maxaabiistu ku madadaalaan inta ay xabsiga ku jiraan.


Waxyaabaha uu leeyahay Xabsigan Cusub ayaa waxaa ka mida Talefashin, Talaajad, Qalabka Muusikada, garoomo lagu ciyaaro ,dukaamo iyo waxyaabo kale Dowlada dalkaasi Norway ugu tala gasahy maxaabiista ku xiran Xabsigaasi .



Waxaa sidoo kale Dowlada Norwey Maxaabiista ku jirta Xabsiga HALDANE mid   kasta oo ka mida u qoondeesay in uu qaato lacag dhan 185 -doolar, waxaan uu qaadaa xabsiga 250 maxbus, waxaana ka shaqeeya 340 Shaqaale ah.



Dadka ku xiran looma moodo in ay maxaabiis yahiin waxaana ay ku socdaan dhul kayn ah , intaasina ay sii dheertahay in ruux kasta oo ka mida Maxaabiista uu maalinkii helayo hal saac iyo bar uu ku cayaaro kubada cagta iyo kubadaha kale uu xiiseeyo.



Nolosha ay maxaabiista ku nool yahiin ayaa u eg mid caadi ah oo aysan xataa   haysan qaar ka mida dadka xuriyada ku nool meelo ka mida dunida ,waxaana loo aqoonsaday Xabsigan midka ugu nolosha fiican Xabsiyada Dunida




























Xasan Maxamed
Xafiiska Newbanaadir
Oslo - Norway
xasanyare09@live.com
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog