Allahumma najina - Daawo Video Gabar uur u qaaday aabihii dhalay iyada oo kuna faanaysa inay u dhasho “ Layaabka dunida

Monday, December 31, 20120 comments

Haweeney lagu magacaabo Penny Lawrence waxay sheegtay inay jacayl u qaaday aabeheed calooshana ku siddo ilmo uu aabeheed leeyahay, kuna faanayso inay aabeheed jacayl lammaane u qaaddo. Wargaysyada ayaa lagu soo daabacay bogagga hore iyagoo isku dhaggan oo qoslaya.

Iyadoo hadlaysa waxay tiri “Uur baan u leeyahay aabahay, calooshana waxaan ku sidaa ilmihii aabahay, aniga iyo isaguna waanu is jecelnahay”.

Qoyska aabaha iyo gabadhu ay kasoo jeedaan way diideen inay isguursadana taasoo keentay in odaygu uu ka tago magaaladii uu daganaa muddana muusan arag gabadhiisa. Panny hooyadeed waxay dhimatay waqti hore waana qaan gaar, muddo kadib gabadhii waxay bilowday inay baadi goobto aabeeheedii la waayay. Markii ay kulmeen wararka laga soo xigtay waxay xusayaan inay labadooduba dareemeen dareen jinsayadeed, maalmo gudohoodna waxay bilaabeen xiriir sharci darro ah, mid waliba wuxuu si gooni ah u sheegay inay dadka kala kulmeen faquuq. Penny waa 28-jir aabeheed Garry waa 46-sano jir, waxayna u nool yihiin sidii laba isqabta oo kale.

Hadal laga soo xigtay ayay ku tiri “Waxaan jecayl u qaaday Garry, (aabeheed) waxaan doonayaa inaan ilmaha aan uurkiisa leeyahay u dhalo. Laakiin waxaan isku af-garanay haddii ilmaha aan uurkiisa leeyahay uusan dhalan inaanu xiriirka joojinno.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog