Artistaha weyn ee Amin Arts oo sheegay in uu aad ugu xumaado Dhibaatada Soomalida South Africa loo geesto “Daawo Muuqaal ahaan Warasysiga Amin Arts''.

Wednesday, December 5, 20120 comments

amin arts

Iyadoo qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ay dhahaan kartuunistaha weyn ee caanka ah ee Amin Arts ma ogola in la weydiiyo su’aalo ayaa waxaa arintaasi wax ka duwan ay shacabka Soomaaliyeed ay indhahooda ku arkeen Amin Camir oo marti ku ah barnaamijka arimaha Bulshada oo la weydiinayo daraasiin Su’aalo Ah kaasi oo si wanaagsan u qanciyey martida barnaamijka arimaha bulshada ee ka baxa Tv-ga caalamiga ah ee Universal.

Amin Arts ayaa sheegay in uu aad ugu xunyahay dilalka iyo dhaca loo geysto Soomaalida Koonfur Africa wuxuuna warka intaasi ku daray markii uu maqlo ama uu daawado muwaadiniin Soomaaliyeed oo galdaro cad loo geysanayo uu aad ugu damqado Arintaasi isagoo sheegay in qalinkiisa oo u adeegsado dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Abdi Hafiid Mohamud Jaamac oo ah madaxa sare ee Barnaamijka arimaha bulshada ayaa weydiiyey in mararka qaar in uu is weydiiyey waxa uu sawirayo hadii ay dhibsanayaan bulsho ama qof gaar ah maxaa dhib ah ee kaa soo gaara? Ayuu amin arts ku jawaabay sidatan. Daawo Iyadoo Maqal iyo Muuqaal ah.













Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog