Daawo Sawirada ‘’Haweeney lafo rag goor hore dhintay ku keydsatay gurigeeda si ay raganimo uga weheshato.

Wednesday, December 5, 20120 comments



Haweeney 37-sano jir ah oo u dhalatay dalka Sweden ayaa lagu eedeeyay in ay sanado badan kuheysay gurigeeda lafa rag horay u geeriyooday kadib markii ragga nool ay kadoor biday kuwa dhintay.

Lafaha ay gurigeeda ku keydisay ayaa lagu qiyaasay 100 lafood oo ay kujiraan lix madax iyo hal laf dhabar kuwaas oo la’aaminsanyahay in ay u heysatay ninimo.

Qaaliyaal maxkamadeed ayaa waxa ay xaqiijiyeen in haweeneydaan lagu eedeeyay in ay meel uga dhacday sharafta raga waayaha hore dhintay oo ay ku heysay meel aan u qalmin.

Guriga haweeneydaan ayaa laga helay sawirro muujinaya iyada oo shumineysa madaxyada guriga ugu keydsanaa.

Haweentaan ayaa maxkamad kutaallla Gothenburg waxa ay kahor dafirtay eedeymaha loo soo jeediyay waxa ayna ku andacootay in ay u soo aruurisay in ay taarkiih ahaan u heysato.

Wargeysa lagu magacaabo Goeteborgsposten ayaa waxa uu qoray in haweneydaani ay ku qortay bar internet: "dareenkeyga ayaa waxa uu hagayaa rabitaankeyga, waxaana diyaar u ahay in ley ciqaabo hadii wax qaldamaan".

"waxa ay u qalantaa. Waxa aan jeclahay ninkeyga si kasta oo uu ahaado, hadii uu noolyahay iyo hadii uu dhintaba.waaana kuraaxeestaa."

Lafaha qaar ayaa laga soo bixiyay boorsadeeda, firinjeer iyo waliba armaajo qurux bdan oo ay ugu talagashay. Gabadhan ayaa hadii danbigaani uu ku cadaado waxa ay muteysaneysaa laba sano oo xarig ah.




















Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog