Baarlamanka Soomaaliya oo ansaxiyay 15-ka gudi oo ay yeeshaan xildhibaanada

Saturday, December 15, 20120 comments



Baarlamanka Soomaaliya oo maanta magaalada Muqdisho kuyeeshay kulankoodii  34aad ee kalfadhiga 1aad ayaa ka hadlay sidii loo habeyn lahaa gudiyada baarlamanka iyadoo warbixino laga dhageystay Gudi farsamo oo kakoobnaa 5 qof kuwaas oo kuhowlanaa dib uhabeynta gudiyada baarlamanka islamarkana la isku waafajinlahaa gudiyada iyo wasaaradaha waxaana ay xubnaha baarlamanku maanta soo hordhigeen 15 gudi oo uu yeesho baarlamanka Soomaaliya.

Gudiyada ay soo jeediyeen in barlamanku yeesho ayaa waxa ay kala yihiin:

1-Gudiga xeer hoosadka  anshaxa iyo xasaanadda xildhibaanada
2-Gudiga u kuurgelida dib u eegsita iyo dhaqangelinta dastuurka
3-Gudiga garsoorka owqaafta iyo arimaha diinta
4-Gudiga arrimaha gudaha maamulada gobolada iyo amniga Qaranka
5-Gudiga xaqiiqo raadinta dib uheshiisinta iyo hanti isku celinta
6-Gudiga Miisaaniyadda Maaliyada qorsheynta iyo la xisaabtanka hay,adaha dowladda
7-Gudiga arrimaha dibedda iyo iskaashiga calamiga
8-Gudiga difaaca Qaranka
9-Gudiga Xuquuqul insaanka haweenka iyo bani’aadanimada
10-Gudiga Caafimadka waxbarashada shaqada iyo isboortiga
11-Gudiga horumarinta reer miyiga xoolaha iyo beeraha
12-Gudiga Kheyrdka dabiciga ah ee dalka
13-Gudiga Warfaafinta wacyigelinta dhaqanka boostada iyo isgaarsiinta
14-Gudiga Wadooyinka dekedaha garoomada iyo  tamarta
15-Gudiga Dhaqaalaha ganacsiga iyo warshadaha

Iyo sidoo kale gudi loogu magacdaray Gudiga joogtada ah oo uu gudoomiye uyahay afhayeenka Barlamanka islamarkaana ay xubno kayihiin kuxigeenadiisa iyo gudoomiyahaasha gudiyada 15ka ah

Fadhiga Barlamanka Soomaliya ee maanta oo ay soo xaadireen 158 ayaa warbixinta gudiga soo diyaariyay kadib Waxaa cod loo qaaday soo jeedintooda iyadoo ay ogolaadeen inkabadan 156 mudane iyadoo mid kamid ah uu diiday halka midna uu ka aamusay gudoomiyaha baarlamanka Maxamed Sheekh Cusmaan “jawaari” ayaa kudhawaaqay natiijada codeynta waxa uuna xusay in ay ansaxtahay codeyntaasi.













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog