Daawo Sawirada "Xafladii Xiisaha badneed ee kwani Litsfest oo lagu soo gaba gabeeyay Xaafada Islii"

Saturday, December 15, 20120 comments


Waxaa maanta Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi ku soo gaba gaboobey munasabado, is daba joog ah oo loogu magac daray kwani Litsfest.

Munasabadahaasi ayaa intii aay socden, waxaa lagu casuumay Abwaano Caan ah oo aay ka mid yahiin Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi ,iyo Warsan Shire oo ah gabar Luuqada Ingariiska ku tirisa gabayada.

Barnaamiskaasi ayaa waxaa soo agaasimay hayad ,dabaal degyada samaysa oo la yiraahdo kwani iyo Kooxda dhalinta waayaha cusub .

Xaflada intii aay socatay ayaa waxaa halkaasi fikrad,dooda ku aadan sida aay u arkaan ka soo gudbiyay dadki ka soo qeeb galay oo dhamaantood sheegay in aay aad ugu faraxsan yahiin.

sido kale waxaa dadkii xaflada ka soo qeeb galay ka mid ahaa milkilaha Tvga Horn Cable Farxaan Xaaji Cali oo u mahad celiyay Kwani Iyo Waayaha Cusub.

Dhanka kale Gudoomiyaha kooxda waayaha cusub ayaa sheegay in dhawaan Xaafada islii ka dhigi doonan banaanbax nabadeed oo dowladda Kenya loogu sheegayo in shacabka Soomaaliyeed, aysan aheen argaga gaxiso.

si kastaba ha ahaate waxaa guud ahaanba soo idlaaday barnaamiski loogu magac daray kwani Litsfest ee malmahan ka socday Magaalada Nairobi kwani Litsfest ayaa waxaa ka qeeb qaata inta uu socda qoomiyada kala duwan oo aay ka mid yahiin Itoobiya Kenya Soomaaliya Suudan.


















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog