Calashiga Xanjada iyo Lubaanka
ama xabagta Fooxa/beeyada, oo marar kala duwan warbixino ku saabsan
faa’iidooyin caafimaad oo ku jira laga soo saaray, laakiin haddana muran ka
bilaabmay oo la isku maandhaafay, ayaa warbixintii ugu danbaysay ee caafimaad
daboolka ka qaaday in faa’iidooyin badani ku jiraan. Khubarada caafimaadka ee
dunida oo arrintan ka hadlayay ayaa sheegay in calashiga, xabagta geedka
Beeyadu dhalo ee Lubaanka iyo xanjada caadiga ah, mid walba laga helo faa’iido
caafimaad oo kala duwan, sida in calashigoodu awood badan galiyo fir fircoonida
maskaxda, in ay sifeeyaan, hadhaaga cuntada ee ilkaha ku hadha iyo in cunto
xumada ay ka yareeyaan qofka oo amateedku ugu furmo calashigooda.
Khubaradani waxa kale oo ay
xuseen in calashiga labadan shay uu faa’iido u leeyahay dadka xanuunka macaanka
qaba, kuwaas oo uu kor u qaado, unugyada awooda galiya xameetida, wax badana ka
yarayn karo, ka fikirka iyo isku mashquulinta xanuunka macaanka, waxa kale oo
ay u taraan inay ka yareeyaan, haraadka macaanka heerka labaad dhaliyo.
Calashiga Xanjada iyo Lubaanka
ayay dhakhaatiirku ku sheegeen inuu faa’iido ka yahay oo kale, murugada iyo
dareenada qulubka dhaliya ee dadka qaarkood sida habisada ugu dhaca, halka taa
badalkeeda ay suura gal ka dhigaan, in garaaca wadnaha ee xad dhaafka ahi
yaraado, isku miisaanaanta dhiiguna fiicnaato. Calashiga Xanjada ayay
dhakhaatiirtu sidoo kale sheegeen inay leedahay ama jidhku ka helo, fir
fircooni la mid ah ta uu ka helo caffeine-ta loo yaqaan, waxaanay dadka jecel
jimicsiga kula talinayaan, inay saacado ka hor intaanay bilaabin jimicsiga
isticmaalaan.
Ugu danbayntii waxa ay
dhakhaatiirtu taladoodan caafimaad ku soo gab gabeeyeen, isticmaalka xanjada
iyo lubaanka oo ay mar kale dadka xasuusiyeen inay yihiin, caado dadka
dhexdiisa aan dhibaato ka lahayn, oo yar iyo wayn isku si loo wada isticmaalo,
waliba calashigooda aan la isku dhibsan iyadoo aanay jirin wax cadaymo ah oo
loo hayo faa’iidada caafimaad ee ku jirta sidaa awgeed ay haboon tahay, in
marka qofku ogaado lafteeda uu saaxiibadiisa kale u sheego faa’iidada ku jirta.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
