Justin Beiber oo ka badbaaday qorsho lagu dili lahaa

Friday, December 21, 20120 comments


Waxaa Maalintii Isniinta oo taariiqda ay ku beegneed 17-ka bishan aynu ku jirno dil bareer ah ka badbaaday fannaanka caanka ah Justin Beiber oo u dhashay dalka Canada, balse heysta dhalashada dalka Mareykanka.

Warbixin ay Soo daabaceen Bogga Booliska magaalada New York ayaa lagu sheegay in uu qorshe dil ka badbaaday Fannaanka Da’da yar ee Justin Beiber oo dabayaaqada bishan SHOW ku qabanayay magaalada New York ee wadanka Mareykanka.

Nin lagu magacaabo Dana Martin oo horey u soo ahaa Dambiile ayaa isku dayay in uu dilo Justin, isagoo dagay qorshihii lagu dili lahaa, waxaana Booliska ay warinayaan in Dilka Beiber loo adeegsaday labo ruux.

” Dana Martin wuxuu soo adeegsaday Nin ay horey Xabsiga iskula jireen iyo Wiil ina adeerkii uu dhalay, Wuxuu labadoodaba ka dhaadhiciyay in ay soo afduubaan Justin Beiber kadibna gowracaan” ayaa lagu yiri Warbixinta Booliska.

Ugu dambeyntiina Ciidamada Booliska ayaa hadda gacanta ku hayya Dana Martin iyo Labadii qof ee uu soo adeegsaday dilka Justin, iyadoo baaritaano kadib ay mari doonaan Maxkamadda magaalada New York.

Justin waa Fanaanad aad u Da’ yar, hase ahaatee malaayiin qof ay jacel yihiin Heesaha uu qaado.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog