Ciidamada Badda Talyaaniga oo badbaadiyay tahriibayaal Soomaali iyo Afrikan...

Sunday, December 16, 20120 comments


Ciidamada Badda dalka Talyaaniga ayaa badbaadiyay 2 doonyood oo ay saaranaayeen tahriibayaal Afrikan ah oo ay ku jiraan dad Soomaliyeed,  kadib markii doonyo ay ka raaceen magaalada Tripoli ee dalka Liibiya halis ku gelisay xeebaha Lamadusa.

Labadan Doomood oo ay midiiba saarnaayeen in ka badan 150 qofood ayaa ka baxay xeebaha Tiriibuli ee dalka Liibiya, waxaana xeebaha Jasiirada Lambadusa ku badbaadiyay Markab dagaal oo ay laheyd dowlada Talyaaniga xilli tahriibayaasha ay halis ugu jireen in ay ku qarqamaan biyaha badda.

Tahriibayaashaasi ayaa ahaa dad Afrikaan ah oo ay ku jiraan Somali, waxaana sida muuqata sii soconaya qulqulka tahriibayaasha Soomaalida ah,  xilli Badda Cas iyo tan Mireterniyanka lagu la’yahay kumanaan Soomaali tahriibayaal ah.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog