Daawo Sawirada "Wasiirka Gaashaandhigga C/xakiim Fiqi oo Booqday Garbahaarey si weyna loogu soo dhaweeyay"

Sunday, December 16, 20120 comments



Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi oo ay wehliyeen saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta kormeer howleed ku tagay magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

wafdigaan ka socda wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya oo ka degay garoonka diyaaradaha Garbahaarey waxaa si diirran usoo dhaweeyay Masuuliyiinta maamulka gobolka Gedo uu horkacayo Maxamed Cabdi Kaliil Guddoomiyaha Gobolkaasi Gedo, saraakiisha ciidamada dowladda iyo saraakiil kale waxa uuna wafdiga kula kulmay xero ciidamada Dowladdu ay ku leeyihiin bartamaha magaalada Garbahaarey Odeyaasha dhaqanka, Haweenka iyo saraakiisha ciidamada.

Wasiirka difaaca dalka oo ka hadlay kormeerkiisa waxa uu sheegay in Booqashadiisa ay muhiimad weyn u leedahay ciidamada Xoogga dalka iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Gedo maantana la bilaabay bixinta Mushaaraadka ciidamada dowladda ee ku sugan Gobolka Gedo si joogto ahna ay u heli doonaan wixii ka dambeeya bishan.

Wasiirka ayaa xusay in Dhawaan la isku furi doono Wadada isku xirta Doolow iyo Garbahaarey si ganacsiga Dadka rayidka ah uu u kobco una gaaro heer sare.

“waad dareemi kartaan cadowga goobo yar ayuu dalka kaga harsanyahay waxaana sida ugu dhaqsaha badan ay ciidamada dowladda uga xureyn doonaan guud ahaan Gobollada dalka si loo soo celiyo Xasilloonida, Nidaamkii iyo kala dambeynta wadanka” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in Wasaaradda Gaashaandhigga ay qorsheynayso sidii dib u dhis balaaran loogu sameyn lahaa Ciidamada qalabka sida gaar ahaan kuwa Xoogga dalka si loo gaarsiyo Ciidamo baaxad leh oo buuxiya kaalintii ay ciidamada ku lahaayeen Geeska Afrika xilligii dalka ay ka jirtay dowladdii Milateriga.

Waa booqashadii ugu horreysay ee uu wafdi ka socda Dowladda federaalka Soomaaliya uu ku tago Magaalada Garbahaarey iyadoo Wasiirka Difaaca uu soo booqday suuqa magaalada, Isbitaalka magaalada, xarumaha Dowladda sida Saldhigga ciidamada Booliska iyo xarunta Maamulka Gobolka Gedo.





























_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog