Wasiiro katirsan Xukuumadda Soomaaliya oo goor dhow gaaray magaalada Kismaayo

Thursday, December 27, 20120 comments



Wafdigan oo heer wasiir ah ayaa waxaa kamid ah wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Qaranka C/kariim Xuseen Guuleed, wasiirka gaashandhiga C/xakiin Xaaji Maxamuud Faqi, wasiirka Warfafainta Isgaarsiinta Boostada iyo Dalxiiska C/laahi Ciilmooge Xersi iyadoo ay wehliyaan wasiir kuxigeeno iyo saraakiil uu kamidyahay taliyaha ciidamada xooga dalka Gen C/qaadir Sheekh Cali Diini.

Xubnahan oo saaka ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa waxaa garoonka magaalada Kismaayo Kusoo dhaweeyay maamulka Kmg ah ee magaaladaasi gacanta kuhaya iyo saraakiisha ciidamada Kenya Ee kusugan magaalada iyagoo wasiiradu salaan sharaf ka qaatay cutubyo katirsan ciidamada qalabka Sida oo garoonka ku sugnaa.

Soo dhaweynta kadib ayaa waxaa wafdiga loo galbiyay gudaha magaalada iyagoo kulamo laqaadan Doona saraakiisha ciidamada dowlada iyo kuwa Kenya ee qeybta ka ha howlgalka AMISOM ee Soomaliya Iyagoo sidoo kalena lakulmi doona qeybaha bulshada magaaalada Kismaayo.

Wafdigan ayaa booqan doona goobo badan oo magaalada kismaayo katirsan sida Dekeda weyn ee Magaaladasi iyo xeryaha ay ciidamada qaranku kuijraan waxaana ay  u kuurgeli doonaan xaaladda guud Ee deeganka iyo sidii loo xoojinlahaa wadashqeynta iyo buslahad gobolada jubooyinka iyo dowladda.
















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog