Daawo Sawirada " Fanaaniin Soomaaliyeed oo dalka dib ugu soo laabtay"

Wednesday, December 12, 20120 comments


Fanaanniintan caasimadda dib ugu soo laabtay  ayaa waxaa ka mid ah C/xakiin Ciise Geedi Fara-yare, khaalid Shariif Axmed “Kiin Khaalid” iyo Xasan Cujeyr Cajami kuwaas oo muddo 21 sanno ka badan dalka ka maqnaa, waxaana Muqdisho si weyn ugu soo dhaweeyey Guddoomiye ku xiggeenkii hore ee gobolka Banaadir C/fitaax Ibraahim shaaweeye, qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, dadweyne tiro-badan  iyo Fanaanniin ay ku jiraan Bar-baarta Gaashaaman.


Haween ka socday degmooyinka Gobolka Banaadir oo watay boorar ay halku dhigyo ku qornaayeen, siyaasiyiin, fanaaniin iyo Ururada bulshada ayaa si diiran u soo dhoweeyay Fanaaniintan.


Fanaaniintan oo ay ku marti qaaday magaalada Muqdisho Hey'adda Wada hadalka Bulshada ee CCD ayaa xaflad soo dhoweyn loo sameeyay kadib ay ka mahad celiyeen sida diiran ee loo soo dhoweeyay iyo inay dalka dib ugu soo laabtaan iyagoo faraxsan.



Fanaanka King Khalid ayaa mar uu Wariyeyaasha kula hadlayay qolka martida VIP-da ee Garoonka Aadan Cadde waxaa uu qoto dheer uga sheekeeyay ujeedada booqashadooda iyo sida ay u arkaan caasimada dalka Soomaaliya oo uu tilmaamay inay ugu dambeysay in ka badan 20-sano, wuxuuna ugu horeyntii sheegay inuu 100% ku faraxsan yahay imaatinkooda Muqdisho, isagoo intaasi raaciyay inuu si weyn ugu mahad naqayo hay'adda CCD oo uu tilmaamay inay u suuragelisay booqashadooda Muqdisho.



Mar uu ka hadlayay King Khalid qaabkii loogu soo dhoweeyay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in aanu hilmaami doonin sida loogu soo dhoweeyay Muqdisho, wuxuuna caddeeyay inta ay joogaan dalkooda hooyo inay soo bandhigi doonaan heesihii looga bartay.



King Khalid ayaa ugu baaqay fanaaniinta kale ee dalka dibadiisa ku dhaqan inay dalka dib ugu soo laabtaan, si ay shacabkooda ula qeybsadaan horumarka iyo is bedelka ka jira caasimada Muqdisho.



Guddoomiye Kuxigeenkii hore ee Gobolka Banaadir C/fataax Ibraahim Shaaweeye iyo Guddoomiyaha haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Maxamed Baarqab oo iyaguna ka hadlay munaasabadii soo dhoweynta fannaaniintaasi ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin imaatinka fannaaniinta Qaran, waxayna xuseen inay hay'adda CCD uga mahad celinayaan sida ay mar walba isugu howsho qaabkii ay dalka ku keeni lahayd dadka magaca iyo sumcadda ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed oo ay fannaaniintu ugu horeeyaan, iyagoo intaasi raaciyay in Muqdisho ay tahay meel nabad ah oo la imaan karo, sidaasi daraadeedna ay ugu yeerayaan fannaaniinta kale inay yimaadaan dalkooda hooyo oo aan lahayn qabow iyo barafka Soomaalida dibadaha badankood ku haya.



Fanaaniinta ku nool qurbaha ayaa bilihii u dambeeyay soo booqanayay magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka mid ahaayeen Fanaaniinta yimid Fanaanka Jooqle Shire Jaamac iyo Fanaanada Seynab Laba-dhagax oo labo jeer Muqdisho timid.



Hey'adda wada hadalka Bulshada ee CCD ayaa balan qaaday inay dalka keeni doonto fanaaniinta magaca ku leh, si ay bulshada soomaaliyed ula qeybsadaan neecawda nabadeed ee soo bidhaamaya, horumarada iyo is bedelada dalka ka jira



























_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog