Daawo Sawirada "Wasiirka Wasaaradda Hormarinta Iyo Adeegga Bulshada Oo Xafiiska Ku Qaabishay Wafdi Ka Socda Qaramadda Midoobay"

Wednesday, December 12, 20120 comments


Drs. Maryam Qaasim Wasiirka Hourumarinta Adeegga Bulshada ayaa maanta waxa ay kulan la qaadatay Maddax ka socotay Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midobay ee Soomaaliya wafdigaas oo uu hogaaminayey K/xigeenka Wakiilka Xogayaha guud ee Qaramada Midobay u qaabilsan Soomaaliya Mr Peter Declerq waxaana wafdigiisa ka mid ah Maddaxa UNPOS ee Mogadishu.

Intii uu kulanku socday waxaa laga wada hadlay qaabkii Wasaaradda looga taageeri lahaa Waxyaabaha ay u baahan tahay & sidii loo geyn lahaa Goobaha la xoreye Adeegyada Horimarineed ee bulshada u baahan yihiin.

Mr Peter Declerq, K/xigeenka xoghayaha guud ee qaramadda midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay in ka xafiis ahaan ay diyaar u yihiin in ay caawiyaan Wasaaradda Horumarinta Adeegga Bulshada maadama ay ka kooban tahay Wasaarado muhiim ah oo laysku geye ayna ka caawin doonaan dhinacyada Horumarinta Adeegga Bulshada, Tababaro la siinayo shaqaalaha Wasaaradda (Capacity Building) & sidii dhallinyaradda soomaaliyeed ee ku sugan meelaha la xoreeye loogu abuuri lahaa barnaamijyo Horumarineed.

Gabagabadii kulanka Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Adeegga Bulshada ayaa u mahadcelise Mr Peter Declerq, & dadkii la socday waxa ayna sheegtay in ay soo dhawayneyso balanqaadka ay u sameyen Wasaaradda, lakin ka Wasaaradd ahaan ay diyaar u yihiin in Bulshada soomaaliyeed loo sameyo adeegyo Hormarineed sida Waxbarashada, Caafimaadka & waxyaabo badan, dhallinyarada soomaaliyeedna ay u sameyn doonaan xarumo lagu dhaqan celiyo laguna baro xifrado kala duwan oo ay noloshooda wax ugu qabtaan.

Ugu danbeyntii kulanka Wasiirka ayaa waxa uu daba socday kulamo badan oo wasiirka la laheyd hayáddaha kala duwan ee ku sugan wadanka.

















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog